Ingiriiska oo “cabsi” ka qaba in Shiinuhu uu helo sirta maraakiibtooda dagaalka (Arrin ay joojiyeen)

0

(London) 24 Okt 2023 – Ciidamada Badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa la sheegay inay gebi ahaanba joojiyeen dhaqan qarniyo soo jirey oo ahaa in maraakiibtooda dagaalku ay ku shaqaaleysiin jireen dhar-dhaqayaal Shiineeska ah, sababtuna waxay tahay cabsi laga qabo in Beijing ay ku khasabto inay xadaan sirta millateriga.

Saraakiisha Boqortooyada Midowday (UK) waxay aad uga walaacsan yihiin ‘adeegayaashan’, kuwaasoo inta badan ka soo jeeda Hong Kong, waxaana lagu bedelayaa Gurkhas oo Nepalese, wargayska The Sun ayaa sheegay Isniintii.

“Ingiriisku waxay ka baqayaan in Beijing ay u hanjabto dadkan dharka u dhaqda ehelkooda ay jecel yihiin ay jooga Shiinaha si ay ugu gudbiyaan sirta ciidamada badda,” ayuu yiri wargaysku.

Boqollaal dharka dhaqda oo Shiine ah ayaa ka shaqaynayey maraakiibta dagaalka ee Ingiriiska – nadiifinta iyo feerada dharka badmaaxiinta iyo dharka saraakiisha – tan iyo horraantii 1900-meeyadii, markii Hong Kong ay ahayd gumaysi UK hoos tagta.

Dhaqanku wuxuu ku bilaabmay sidii caado maxalli ah balse wuu sii xoogaystey xitaa kaddib markii Hong Kong ay xornimada qaadatay 1997-kii.

Hadalsame Media