(Hadalsame) 24 Okt 2023 – Koox Hackers Algerian ah oo aan is magacaabin ayaa sheeganaysa inay galaangal u yeesheen kayd-xogeedka ay leedahay Wasaaradda Difaaca Israa’iil iyo booliiska, sida lagu sheegay farriin Telegram ah oo ay wadajir usoo saareen.
Kooxdan ayaa sheegtay inay jabsadeen in ka badan 10 gigabytes oo xog ah oo ay leedahay Wasaaradda Difaaca Israa’iil, taasoo ay ku jirto macluumaadka “Saraakiisha, Ciidamada, iyo Qorshayaasha Ciidanka Israa’iil ee Gaza.”
Magacyada, ciwaannada degaanka, tafaasiisha waalidka, iyo macluumaad kale oo ku saabsan saraakiisha Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa lagu daray qoraal ay kooxdu daabacday.
Burcad-danabeedkan ayaa soo saartay dalab xabbad joojin ah oo ay u dirteen dowladda Israa’iil waxayna ku hanjabeen inay sii dayn doonaan xogta oo dhan haddii ay sii socdaan “xadgudubyada ka dhanka ah carruurta iyo haweenka ee Gaza”.
Sida laga soo xigtey kooxdan, nidaamka boostada ee Israel ayaa sidoo kale laga weerar dhanka internet-ka ah taasoo saamaysay 1.5 milyan oo koonto, halka dhowr kayd oo ay leeyihiin booliiska Israa’iilla sheegay in la bartilmaameedsaday, taasoo lagu galay faylal sir ah.
Dhammaan farriimaha kooxdan reer Aljeeriya ayaa waxay sheegeen inay ka go’an tahay taageerada Falastiin.
Hadalsame Media