(Moscow) 24 Okt 2023 – Labo ka mid ah bomarrada ciidamada Cirka ee Maraykanka ee B-1B Lancer ayaa hawada lagu qabtay xilli ay kusoo dhowaadeen hawada Ruushka ee badda Baltic-ga, iyadoo ay qabatay Sukhoi Su-27, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Ruushka haatan.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, difaaca hawada Ruushku waxa ay ogaadeen laba bartilmaameed oo hawada ah oo dul heehaabayey biyaha Baaltigga, waxaana loo diray miigga si uu u aqoonsado ugana hortago xadgudub kasta oo ka dhan ah hawada qaranka Ruushka.
Duuliyayaasha diyaarada Su-27 ayaa diyaaradaha xadka kusoo dhowaadey ku sheegay Lancers, kuwaas oo ah duqeeyayaal istiraatiji ah oo riddo dheer kuwaasoo loogu talagalay in lagu qaado gantaalada iyo bambooyinka Nukliyeerka ah.
Markii uu kusoo dhawaadey miigga Ruushka, ayaa ay labadii duuliye ee Maraykanka ahaa waxay beddeleen jidkoodii, waxayna ka fogaadeen xuduudka.
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa xustay in aysan dhicin wax xadgudub ah oo dhanka hawada ah, qabashada ay sameeyeenna ay gebi ahaanba waafaqsan tahay hab-dhaqanka sharciga caalamiga ah ee khuseeya biyaha caalamiga ah.
Hadalsame Media