(Berlin) 22 Okt 2023 – Hoggaamiyihii hore ee Jarmanka ee Gerhard Schroeder ayaa waraysi uu siiyey wargays dalkiisa kasoo baxa ku sheegay in dowladda Maraykanka aysan “oggolayn” wax tanaasulaad ah oo soo afjari kara iskahorimaadka Ruushka iyo Ukraine toddobaadyo uun kaddib markii weerarka millateri ee Moscow uu bilowday Febraayo 2022.
Waraysi uu daabacay wargayska Berliner Zeitung ee Jarmanka Jimcihii, Schroeder wuxuu sheegay in la waydiistay inuu gacan ka gaysto dhexdhexaadinta wadahadalladii nabadeed ee Maarso 2022 kuwaasoo u dhexeeya saraakiisha Ukraine iyo Ruushka ee Istanbul.
Waxa uu sheegay in inkasta oo wakiillada Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky ay u furnaayeen inay tanaasul ka sameeyaan arrimaha muhimka ah sida joojinta dadaalkii ahaa inay ku biiraan NATO, “Ukrainiyiintu aysan aqbalin nabadda sababtoo ah looma ogola. Waxa ay ahayd in marka hore ay Maraykanka waydiiyaan wax kasta oo ay ka wada hadleen.”
Warkan ayaa imanaya tiiyoo ay saraakiisha Ruushku ay si isdaba joog ah u sheegayeen in Maraykanka iyo taageerayaasha kale ee reer Galbeedku ay Ukraine iyo xukuumadda Zelensky ka niyad jabiyeen inay ogolaato heshiis nabadeed. Zelensky ayuu sheegay inuu diyaar u ahaa inuu ka tanaasulo Crimea iyo xitaa qaar ka mid Donbass.
“Fikradayda: Waxba ma dhici karaan sababtoo ah wax kasta waxaa lagu go’aamiyey Washington,” ayuu yiri, isagoo dhanka kale istaraatijiyadda Maraykanka ee ku qotonta in la go’doomiyo Ruushka ku tilmaamay mid ma dhalays ah oo durba keentay isbahaysi xooggan oo dhinac kale kasoo baxay, maadaama ay isku faraq xirteen Ruushka iyo Shiinuhu.
Hogaamiyihii hore ayaa ku tilmaamay istaraatiijiyadda Washington mid “dhimasho ah”, isagoo sheegay in taasi ay keentay xiriir dhow oo dhexmara Ruushka iyo Shiinaha.
Schroeder ayaa ku dooday in kaliya Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron iyo hoggaamiyaha Jarmanka ee Olaf Scholz ay dib u soo noolayn karaan wadahadallada nabada ee bariga Yurub.
Hadalsame Media