
(Pyongyang) 22 Okt 2023 – Kuuriyada Woqooyi ayaa dhaleeceysay bambarrada Maraykanka ee dhowaanahan la geeyey Koonfurta Kuuriya ee leh awooda nukliyeerka, iyadoo ka digtey in diyaaradahani ay noqon doonaan “bartilmaameedyada ugu horreeya ee ay burburiyaan” haddii uu dhaco iskahorimaad dhab ah.
Faallo ay daabacday Wakaaladda Wararka Kuuriyada (KCNA) ee ay dowladdu maamusho Jimcihii, Pyongyang waxay dhaliishay in diyaaradda B-52 Stratofortress la keeno Kuuriyada Koonfureed horraantii toddobaadkan, iyadoo ku dhawaaqday in “daandaansiga millateri ee Washington uu u gudbayo marxalad khatar badan. .”
“Tani waa ujeed ula kac ah oo uu Maraykanku sameeyey… si uu u kiciyo dagaal nukliyeer ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ku saabsan keenista diyaaradahan iyo dhoolatusyada wadajirka ah ee xiga ee ay la samaynayaan ciidamada Kuuriyada Koonfureed.
“Maraykanku ma mooga xaqiiqada ah in gacanka Kuuriya uu ku jiro xaalad dagaal iyo in agabkan istaraatiijiga ah ee wax ku biirinaya dhulka cadowgu uu noqon doono bartilmaameedyada ugu horreeya ee burburinta.” ayay raaciyeen.
Pentagon-ka ayaa soo bandhigay muuqaalka B-52 kadib markii diyaaraddu ay gaartey Seoul Talaadadii, iyadoo samaysay duullimaadyo ay wehliyaan dhowr diyaaradood oo kale oo Maraykan ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha F-22 iyo F-16.
Hadalsame Media