(Hadalsame) 22 Okt 2023 – Khamzat Chimaev, oo ah dagaalyahan feerka miisaanka fudud ee UFC ah oo u dhashay Chechnya, ayaa Sabtigii la hadlay hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Ruushka, Ramzan Kadyrov, isagoo waydiistey in loo ogolaado inuu ku biiro dagaalka Falastiin, waraysi uu ku bixiyay kaddib dagaalkii UFC 294.
Khudbad qiiro leh oo daba socotey guushii uu ka gaarey horyaalkii hore ee Miisaanka fudud ee UFC, Kamaru Usman, Chimaev, 29-jir, wuxuu ka hadlay xaaladda isku dhacyo badan oo adduunka ka socda.
“Nimanyahow, waad garanaysaan waxa adduunka hadda ka dhacaya. Kuma faraxsanayn dagaalka riingaha usbuucan, iyo inaan arkay caruur dhimanaysa,” ayuu yiri Chimaev, oo sidoo kale lagu naanayso Borz.
Feeryahankan oo Sweden u soo haajirey 2013, haatana u feertama Imaaraadka Carabta, ayaa u mahadceliyey Chechnya, wuxuuna u beddeshey luqaddiisa hooyo si uu ula hadlo Kadyrov.
“Aniga oo helaya taageeradaada, dhib iguma aha in aan dagaallamo haddii aad i siiso fasax – Waxaan ku dhaaranayaa – inaan noqon doono qofka ugu horreeya ee u safra halkaas. Waan ku waydiisanayaa, hub i sii oo ii oggolow inaan u dagaallamo Falastiin,” ayuu yiri Chimaev, sida laga soo xigtey warbaahinta Ruushka ee RBK.
Kadyrov ayaa u riyaaqay hadalka feeryahanka oo uu ku tilmaamay “Muslim khaalis ah oo la gubanaya dhibka walaalihii Falastiin”, balse ma bixin wax fasax ah.
Hadalsame Media