Dalalka Bariga Dhexe oo saliidda goosan kara haddii ay hal arrini kusoo kororto weerarka Gaza

0

(Gaza) 22 Okt 2023 – Ra’iisal Wasaaraha Ciraaq, Maxamed Shiicada Al-Sudani, ayaa lagu soo warramayaa inuu ka digey in sahayda saliidda Bariga Dhexe ee la geeyo suuqyada caalamiga ah uu khalkhal galin karo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas uu gaaro heer ay ku lug yeeshaan wadamada kale ee gobolku.

Dagaalku waxa uu “saamayn ku yeelan doonaa ammaanka caalamka, kororka colaadda gobolka, wuxuu khatar gelin doonaa saadka tamarta, kana sii dari doonaa xasaradaha dhaqaalaha, islamarkaana wuxuu dhali doonaa colaado kale,” ayay Wakaaladda Wararka ee Associated Press kasoo xigatey al-Sudani Sabtigii isagoo ka hadlayey shir nabadeed oo ka dhacay Qaahira.

Al-Sudani waxa uu ku baaqay xabbad joojin deg deg ah iyo in maxaabiista la is dhaafsado si loo soo afjaro dhiigga daadanaya. Waxa uu ku dooday inaan dadka rayidka ah laga saarin Marinka Gaza iyadoo ay socdaan duqaymaha Israa’iil ku hayso, isaga oo yiri, “Falastiiniyiintu ma haystaan meel kale oo aan ahayn dhulkooda”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo jeediyey in xiisadda la baajin lahaa haddii la ixtiraamo go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee ka dhanka ah siyaasadaha degaamaynta Israa’iil ee dhulka Falastiin.

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil waxay burburisay degsiimooyinkii ay ku lahayd Gaza sannadkii 2005-tii, balse waxay kuwo kale ka dhistay degaammada kale ee Daanta Galbeed.

Xamaas ayaa deeto Gaza ka talinaysey tan iyo 2006-dii, wax doorasho cusub ah lagama qaban dhulkaas tan iyo markaas, iyadoo ay Israel iyo Galbeedku diideen inay aqoonsadaan doorashada ay Xamaas ku guulaysatey.

Hadalsame Media