”Kaa qaban maayo” – MW Maamulka Falastiin oo telefoonka ku dhegeystey MW Joe Biden

0

(Daanta Galbeed) 21 Okt 2023 – Madaxwaynaha maamulka Falastiin ee Maxamuud Cabbaas ayaa diidey inuu taleefoon kula hadlo Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden intii lagu guda jirey booqashadii uu Israel ku tegey Arbacadii, sida ay warbaahinta dowladda Israa’iil sheegtay Jimcihii.

Iyadoo soo xiganaysa ilo Falastiini ah oo ku sugan Daanta Galbeed, Wakaalada Wararka ee Kan ayaa sheegtay in kooxda Biden ay isku dayeen inay abaabulaan wadahadal dhexmara hoggaamiyeyaasha, laakiin Cabbaas ayaa diidey codsigaasi.

Yeelkeede, Biden iyo Cabbaas waxay markii dambe ku wadahadleen taleefoon Sabtigii, iyadoo Madaxwaynaha Maraykanku uu ballanqaaday inuu taageerayo dadaallada “gargaarka bini’aadannimo ee deg degga ah ee looga baahan yahay dhanka dadka reer Falastiin,” sida lagu sheegay xog laga helay Aqalka Cad.

Labada hoggaamiye ayaa lagu waday inay kulmaan iyadoo ay wehliyaan Madaxwaynaha Masar ee Abdel Fattah el-Sisi iyo boqorka Urdan Cabdallaha II iyagoo Cammaan isku arki lahaa Arbacadii.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan ayaa waxaa baajiyey dhinaca Urdun kaddib markii habeen kahor uu ka dhacay weerar lagu hoobtay oo ka dhacay isbitaalka al-Ahli Arab ee Gaza, halkaasoo ay duqaysay Israel oo weli inkirsan.

Hadalsame Media