(Hadalsame) 21 Okt 2023 – Madaxwaynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa ka codsaday Wa’iisul Wasaaraha Britain ee Rishi Sunak inuu ka caawiyo in idaacadda ay Dowladda UK maalgeliso ee BBC ay Xamaas ugu yeerto ”urur argagixiso.”
Baaqan ayaa yimid kaddib markii wasiir UK ka tirsan iyo koontada rasmiga ah ee Israel ee X (ex Twitter) ay eedeeyeen BBC, kaddib markii weriye ka tirsani uu qiyaasay in Israel ay ka dambeeyso duqayntii isbitaalka Gaza.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Sunak kaasoo ka dhacay Quddusta la haysto Khamiistii, Herzog wuxuu yiri “sida ay BBC-du u astaamayso ama u sawirto Xamaas waa mid gurracan xaqiiqdii,” isagoo Xamaas ku sheegay mid ka mid ah ururrada argagixiso ee dunida ugu daran, sida uu qabo.
Herzog ayaa sii waday, isagoo u sheegay Sunak in walow Ra’iisul Wasaaraha Britain “uusan faragelin karin arrimaha BBC, si kastaba ha ahaatee,”BBC waxaa loo yaqaan “Britain” adduunka oo dhan, marka “waa in arrintan la qaylodhaamiyaa si loo saxo.”
“Maxaa kale oo ay u baahan yihiin (BBC) inay arkaan si ay u fahmaan in kani yahay urur argagaxiso oo xun?” ayuu Herzog oo su’aal khidaabi ah is waydiinaya hadalkiisa ku soo xiray.
Sunak kuma xusin BBC-da jawaabtiisa, laakiin wuxuu yiri “waa inaan ugu yeernaa [Weerarka Xamaas ee Israa’iil] waxa uu yahay – fal argagixisanimo oo uu gaystay urur argagixiso oo shar ah.” ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, xafiiska Sunak ayaa u sheegay The Independent in Xoghayaha Dhaqanka ee Lucy Fraser ay la xiriirtey Agaasimaha Guud ee BBC Tim Davie “tira dhow jeer ah” toddobaadkan, waxayna ku boorrisay inay ka fiirsadaan waxyaabaha ku jira tebintooda.”
BBC-da ayaa dhaleecayn adag kala kulantay falanqeeyayaasha Israa’iil tan iyo markii uu dagaalku bilowday 7-dii bishan, gaar ahaan go’aankeeda ay ku sheegtay in Xamaas ay tahay “maleeshiyo mintid ah” halka ay Israel ka jeclaan lahayd in lagu sheego urur “argagixiso”.
Bayaan ay soo saartay todobaadkii hore, BBC-da ayaa ku macnaysay in siyaasaddeedu ay tahay in had iyo jeer loo nisbeeyo ereyada sida “argagixiso” kuwa isticmaalaya falkaas, halkii ay iyagu ka BBC ahaan xukunkaas ridi lahaayeen.
Hadalsame Media