Israel oo duqaysay kaniisad qadiimi ah oo Gaza ku taal (Siyaasi Maraykan ah oo ay dad uga dhinteen)

0

(Michigan) 21 Okt 2023 – Justin Amash oo horay uga tirsanaa Congress-ka Michigan ayaa ku dhawaaqay Jimcihii in qaraabadiisu ay ka mid ahaayeen dadkii lagu dilay Kaniisadda St. Porphyrius Orthodox Church ee Marinka Gaza, markii la duqeeyey xilli ay shir ku jireen.

“Anigoo murugaysan, waxaan hadda xaqiijiyey in dhowr ka mid ah qaraabadayda (oo ay ku jiraan Viola iyo Yara sawirka) lagu diley Kaniisadda Saint Porphyrius ee Gaza, halkaas oo ay gabbaad ka dhiganayeen,” ayuu Amash ku yiri Madasha X (ex Twitter), isagoo ku lifaaqay sawirka labada gabdhood.

“Bulshada Masiixiga ah ee Falastiin waxay u adkaysatay dhibaal fara badan. Qoyskeennuna aad bay u dhibanaayeen. Ilaah ha ilaaliyo dhammaan Masiixiyiinta Gaza – iyo dhammaan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta dhibaataysan, diin kasta ama caqiidado kasta oo ay haystaan.” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Amash waxa uu ku dhashay Maraykanka, waxaana iska dhalay waalidiin Masiixiyiin ah oo Falastiiniyiin iyo Suuriyaan ah. Waxa uu matalay degmada Michigan ee 3aad laga bilaabo 2011 ilaa 2021/kii. Waxa uu ka hadlay duqaynta St. Porphyrius ee fiidnimadii Khamiistii, isagoo qiray in kaniisaddan qadiimiga ah “duqayntaa lagu baabi’iyey.” 

Waa markii 2-aad ee Israel ay duqayso goobo ka caaggan duqaymaha, iyadoo horay dad badan ugu laysay isbitaalka Al-Ahli ee isla Gaza.


Hadalsame Media