”Ilaa 4,000 oo qof ayaan dawooyin siinnaa” – Cudur halis ah oo kusii fidaya Somalia (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 21 Okt 2023 – Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay kusii kordhayaan tirada dadka laga helayo xanuunka HIV/AIDS, waxaana lixdii bilood ee la soo dhaafay cudurka laga helay bukaano tiradoodu gaareyso 11 kun oo qof.

Guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka wada wacyigelinta tababarro ku aaddan halista xannuunkan, oo ay u sameynayaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Tababarkii ugu dambeeyay ayey guddiga u qabteen ardayda Jaamacadda Gahayer ee magaalada Muqdisho, sida uu faahfaahinayo guddoomiyaha guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaalle, oo u warramay Xasan Kaafi Qoyste oo ka tirsan VOA.

”Maalintiiba waxaan casharro siinayney ilaa 30 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo dhigta jaamacadaha.” ayuu yiri Jimcaale oo xusay inay dawooyin kaalmaatiga ah ee HIV siiyaan ilaa 4,000 oo qof.

Jimcaale ayaa sheegay inay jiraan dad muujistay inay cudurka qabaan kuwaas oo iskugu jira carruur, rag iyo haween, balse ay jiraan dad badan oo kale oo weli is qarinaya, balse cudurkii qaba.

Hadalsame Media