15 garoon diyaaradeed oo Faransiiska ku yaalla oo dadka laga daad-gureeyey kaddib cabsi qarax la xiriirta – Dhibka ka dhashay

0

(Hadalsame) 21 Okt 2023 – 14 garoon diyaaradeed oo ku yaal Faransiiska ayaa Khamiistii la soo gaarsiiysy hanjabaado bambaano, taasoo keentay in ugu yaraan siddeed ka mid dadkii laga daadgureeyo, sida ay ilo gudaha ahi u sheegeen AFP. Waa dhacdadii labaad ee noocan oo kale ah muddo laba maalmood gudahood ah.

Maamulka Duulimaadyada Madaniga ah ee Faransiiska ayaa xaqiijiyey in “dhowr garoon diyaaradeed, oo uu ku jiro midka Nantes, ay heleen hanjabaado weerar [Khamiis] subaxnimadii,” laakiin ma aysan cayimin inta iyo garoonada ay saameeyeen.

Waxay ahayd markii labaad ee muddo laba maalmood gudahood ah ee Garoomada Diyaaradaha ee Nantes, Rennes, iyo Lille lagu khasbo inay dadka daadgureeyaan hanjabaado been abuur ah owgood.

Brest (Finistere), Bordeaux-Merignac (Gironde), Montpellier (Herault), iyo Nantes (Loire-Atlantique) ayaa ka mid ahaa meelaha dadka laga daadgureeyay. Gegida dayuuradaha ee Lille ayaa sidoo kale dadka laga daadgureeyey cabsi bambaanooyin Khamiistii, sida lagu shaaciyey qoraal lasoo dhigay X (ex Twitter).

Wadar dhan 17 “hanjabaad oo weerar ah” ayaa laga sheegay garoomada diyaaradaha Arbacadii, taasoo keentay in 15 garoon laga daadgureeyo. Maamulka ayaa xiray xarumaha si ay “meesha uga saaraan wixii shaki ah” oo ku saabsan runnimada halisahan, sida ay ilo-wareedyo booliis ahi u sheegeen AFP.

Daadguraynta Arbacadii ayaa horseeday 130 duulimaad oo la baajiyey, iyo sidoo kale dib u dhacyo badan.

Hadalsame Media