”13-jirka xabsi daa’in hallugu xukumo!” – Xisbiga SD oo soo jeediyey in hoos loo dhigo da’da xukunka (Dib u eegis socota)

0

(Stockholm) 21 Okt 2023 – Sweden ayaa haatan dib u eegis ku bilowday da’da xukun-dembiyeedka in hoos loo dhigo, tiiyoo laga hoos marinayo heerka maanta oo ah 15 sano wixii ka wayn, si waafaqsan heshiiska Tidöavtalet.

Jimmie Åkesson, hoggaanka Xisbiga cunsuriga ah ee SD, ayaa aaminsan in 13 sano ay tahay da’da ku habboon ee dembiyada lagu xukumi karo, wuxuuna qabaa in 13-sano jirka sidoo kale lagu xukumi karo xabsi daa’in.

“Mowqifkayga ayaa ah in haddii aad karto inaad gasho dembi halis ah, markaas aad sidoo kale tahay qof qaadi kara cawaaqibka dembiga aad gaysatey,” ayuu ku dooday Jimmie Åkesson oo waraysi siiyey Ekot maanta oo Sabti ah.

”Meesha aan ka socdaa waa in dadka halista ah xabsi la dhigo, si aanay halis ugu noqon dadka caadiga ah.” ayuu raaciyey markii la waydiiyey sababta uu hindisahan u keenay.

Hindisahan ayaa si toos ah uga hor imanaya Cahdiga Carruurta ee QM oo ay Sweden ku jirto dalalka saxiixay.

Hadalsame Media