(Washington, DC) 20 Okt 2023 – Iskahorimaadka Israel iyo kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ayaa noqon kara mid cunfi badan oo sii jiitama sanadaha soo socda haddii ciidamada Israel ay howlgal dhulka ah ka bilaabaan Gaza, sida uu qabo madaxii hore ee CIA, David Petraeus, oo sidaa ka digey mar uu waraysi siiyey Politico Khamiistii.
Isaga oo ka hadlaya Podcast Power Play, Jeneraalkan Maraykanka ah, oo ka soo shaqeeyey labadaba Ciraaq iyo Afgaanistaan, wuxuu ku andacoodey in duullaanka dhulka ee Gaza ee Ciidamada Difaaca Israel (IDF) “ay si deg deg ah u noqon karto mid ka darran wixii Maraykanka ku qabsaday Muqdisho.”
Petraeus waxa uu soo hadal qaaday dhacdadii 1993-kii ee 2-da diyaaradood oo ahaa nooca loo yaqaan Black Hawk Maraykanka looga soo ridey caasimadda Somalia, taasoo keentay dagaal xooggan oo dhex-maray malleeshiyaad degaanka ah oo taageerayey Jen. Caydiid iyo ciidamada Maraykanka oo isku dayay inay soo qabtaan.
Madaxii hore ee CIA ayaa soo jeediyey in haddii Xamaas ay noqoto mid “hal abuur badan dhanka difaaca” sidii ay u fuliyeen “Weerarkii argagaxa lahaa, ee waxashnimada lahaa” ee ay Israel ku qaadeen 7-dii Oktoobar uu xaalku adkaan doono, sida uu yiri.
“Waxaad arki doontaan kuwa is qarxiya, waxaad arki doontaan walxaha qarxa ee macmalka ah, waxaa jiri doona weeraro gaadmo ah, dabinno miino ah, iyo dagaal magaalo, mar kale, ma noqon karto mid sahlan.” ayuu ku dooday.
Hadalsame Media