(Ankara) 20 Okt 2023 – Israa’iil ayaa dhammaan diblomaasiyiinteeda kala baxday Turkiga xilli laga cabsi qabo aargoosi xooggan oo la xiriira dagaalka Gaza ka socda, sida ay ku warramayaan warbaahinno badan.
Tallaabadan ayaa daba socota isu soo baxyo kulul oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta oo todobaadkan ka dhacay magaalooyinka Turkiye, kuwaasoo qaarkood ay ku dhamaadeen iska hor imaadyo rabshado wata.
Go’aankan ayaan ahayn mid diblomaasiyadeed balse waxaa loo qaatay si looga taxadaro ammaanka, iyadoo ay sabab u tahay xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe, sida uu sarkaal aan la magacaabin oo Israa’iili ahi u sheegay AFP Khamiistii.
Laba sarkaal oo Turkish ah ayaa sidoo kale xusay bixitaanka mar ay xog siiyeen Times of Israel, iyaga oo carrabka ku adkeeyey in ka bixitaanku aanu ahayn “mid siyaasadeed” oo loo sameeyay oo kaliya walaacyo amni oo dhab ah.
Maalmo uun kahor, Dowladda Israa’iil waxay ku boorrisey muwaadiniinteeda inay “si deg deg ah uga baxaan Turkiga” cabsi la mid ah tan ka dhalatay mudaaharaadadan rabshadaha wata ee ka dhacay afaafka Qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul iyo safaaraddeeda Ankara.
Hadalsame Media