(London) 19 Okt 2023 – Sheikh Jassim ayaa maalin dhowayd shaaciyey inuu gebi ahaanba haatan iskaga haray dalabkiisii uu ku doonayey iibsiga kooxda Man United ee dalka Ingiriiska, isagoo haatan ka fikiraya qorshaha 2-aad.
Yeelkeede, waxaa loogu baaqay inuu iibsado kooxda Liverpool oo ay isku gobol yihiin Man United, haddii uu doonayo in uu ka aarguto Manchester United oo diiddey dalabkiisa la wareegidda, sida Mike Keegan oo ka tirsan Mail Sport uu u sheegay barnaamijka It’s All Kicking Off podcast.
Qadariyiinta ayaa isaga haray tartanka iibsiga kooxda camaaliqada Premier League Sabtigii kaddib markii ay soo baxday in Sir Jim Ratcliffe uu ku yaboohay inuu £1.4bilyan ku gato saami boqolkiiba 25 ka ah United kaasoo soo jiitey qoyska Glazer.
Jassim iyo kooxdiisu waxay doonayeen inay si buuxda gacanta ugu dhigaan United laakiin dalabkooda oo ku dhow £5.5bn ayaa ka yaraa qiimihii Glazers ee doonayeen oo ahaa £6bilyan oo gini.
Milkiilayaasha Liverpool, Fenway Sports Group, ayaa kooxda sheegay inay iibinayaan bishii Nofeembar ee la soo dhaafay isla waqtigaas Glazers waxay iyana bilaabeen inay ku casuumaan maalgashi cusub oo United lagu sameeyo.
Laakiin bishii Febraayo, milkiilaha Liverpool ee John W Henry ayaa ku adkaystay in kooxda Anfield aysan iib ahayn hadda kaddib, inkasta oo wixii dalabyo maalgashi dibadeed ah la tixgelin doono, sida uu qiray.
Hadalsame Media