(Tel Aviv) 19 Okt 2023 – Sirdoonka millateriga Israa’iil ayaa ku guuldarraystay “hawshii ugu muhiimsanayd,” sida uu sheegay madaxeeda, Major General Aharon Haliva. Taliyaha sirdoonka ayaa tilmaamay in hay’addoodu ay ku guuldarraysatay inay ogaato khatar ka iman karta kooxda Xamaas, islamarkaana ay uga digto ciidamada inay joojiyaan weerarka muddo toddobaad ka badan kahor.
“Bilowga dagaalku waa guuldarro sirdoon,” ayuu yiri Taliyaha Qaybta sirdoonka ee Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF). Jenaraalku waxa kale oo uu sheegay inuu isagu “mas’uuliyadda fashilka si buuxda u leeyahay” madaxa sirdoonka millateriga ahaan.
Haliva waxa ay wacad ku maray inay baari doonaan sababihii horseeday xaaladdaas “sida ugu qotada dheer uguna dareenka badan” islamarkaana ay kasoo saaraan gabagabada la gudboon.
Waxa kale oo uu sheegay in tillaabadan la qaadi doono mar uun mustaqbalka ah, laakiin mudnaanta hadda la siin doono in “la dagaallamo oo aan guulaysanno”, sida uu yiri.
Hadalkiisa ayaa yimid in ka badan toddobaad kaddib markii Xamaas ay kumannaan gantaal ku garaacday dhulka ay Israa’iil haysato iyagoo sidoo kale dul maray degaannada Israa’iil ee u dhow Qaza weerar ballaaran oo dhacay 7-dii Oktoobar.
Hadalsame Media