Liiska isbitaallada kale ee ay Falastiiniyiintu sheegeen in sidoo kale la weerari karo (Hanjabaado loo jeediyey)

0

(Gaza) 19 Okt 2023 – Isbitaalka Al-Ahli Al-Carabi oo ay Israa’iil duqaysay habeenimadii Talaadadii, laguna diley ugu yaraan 471-500 oo Falastiiniyiin ah, kaasoo ka mid ahaa isbitaallo dhowr ah oo ku yaalla marinka Qaza oo ay Israa’iil uga digtey inay ”nadiifiso”, ama ay la kulmi karaan weerarro xagga cirka ah.

Xiliga uu dhacayey weerarka bahalnimada ah, isbitaalka oo ay maamulaan koox Masiixi ah oo Anglican ah ayaa dawayn iyo hoy siinayey boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku dhaawacmay kuna barakacay dagaalka 13-ka maalmood ah ee Israa’iil ay ku hayso dhulka go’doonsan.

Isbitaalku waxa uu Israa’iil ka helayey hanjabaado ah inay dadku ka baxaan ama la duqeeynayo, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Wasaaraddu waxa ay ku dartay Middle East Eye in ciidanka Israa’iil ay u sheegeen dhammaan isbitaallada ku yaalla woqooyiga Qaza iyo bartamaha magaalada Gaza inay meesha nadiifiyaan todobaadkii hore.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa diidey hanjabaadaha waxayna ganafka ku dhufatay inay ka tagto bukaannada nugul. Halkan haddaba waxaa ku xusan liiska isbitaallada laga yaabo in iyagana sidoo kale la weeraro.

  • Kamal Adwan Hospital – northern Gaza
  • Al-Awda Hospital – northern Gaza
  • Indonesian Hospital – northern Gaza
  • Balsam Hospital – northern Gaza
  • Karama Hospital Gaza – northern Gaza
  • Al Shifa Hospital – Gaza City
  • Al-Quds Hospital – Gaza City
  • Jordanian Field Hospital in Gaza – Gaza City
  • El-Dorra Paediatric Hospital – Gaza City
  • Al-Aqsa Martyrs Hospital – Gaza City
  • Al-Wafa Medical Centre – Gaza City
  • Al-Ahli al-Arabi Baptist Hospital – Gaza City
  • Public Aid Hospital – Gaza City
  • Al Rantissi – Alnasr Hospital for Children – Gaza City
  • St John Eye Hospital – Gaza City
  • Patient Friend’s Benevolent Society – Gaza City
  • Assahaba Medical Complex Society – Gaza City
  • Gaza Eye Hospital – Gaza City
  • Jenin Hospital – Gaza City
  • Gaza Psychiatric Hospital – Gaza City
  • European Gaza Hospital – southern Gaza
  • Kuwait Speciality Hospital – southern Gaza

Hadalsame Media