FADEEXAD: Chad, 2 wasiir oo is casiley kaddib muuqaal galmo ah oo internet-ka ku faafay

0

(N’Djamena) 19 Okt 2023 – Raiisal Wasaaraha Chad ee Saleh Kebzabo ayaa aqbalay iscasilaadii Wasiirkii Gaashaandhigga ee Daoud Yaya Brahim iyo Xoghayihii Guud ee Dowladda oo sidoo kale wasiir ah, Haliki Choua Mahamat.

Labada ninba waxay go’aansadeen inay is casilaan iyada oo ay jirto fadeexad wayn oo soo baxday markii muuqaallo kala duwan oo la sheegayo in mid kasta oo raggan ka mid ahi uu falal galmo ah la samaynayo dad kale ay ka soo galeen internet-ka.

Labada is casilaad waxaa xaqiijiyey afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mana uusan bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer oo ku saabsan arrintan. Wasiirka Gaashaandhigga ayaan weli ka hadlin dhacdadan.

Mahamat ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah ee Tchadinfos in uu go’aansaday inuu xilka ka dego si uu “ilaaliyo sharafta iyo qiyamka” xilka uu hayo iyo in uu ixtiraam u muujiyo Dowladda iyo shacabka Chad. Muuqaallada ayaa faafay 15-16 Oktoobar.

Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo khusuusiyaadka dadka “da’dan dhijitaalka ah”, sida uu sheegay.

Sida laga soo xigtey qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah, Brahim ayaa markii hore doonayey inuu qariyo fadeexadda. Warbaahinta qaar ayaa xitaa sheegtay in laga yaabo in Jeneraalku uu gacan ku lahaa labai gabdhood ee dhowaanba la la’aa, kuwaas oo lala xiriirinayo dhacdadan.

Halka qaar kalena ay sheegeen in labada haween ay u xiran yihiin Hay’adda Nabad Sugidda ee Chad (ANS). Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya wararkan.

Waa dhacdadii ugu horreeysey ee nooceeda ah ee dalkan soo marta, maadaama uu dalkani yahay dal dhaqan ahaan muxaafid ah oo Islaam ah.

Hadalsame Media