(Tel Aviv) 19 Okt 2023 – Dowladda Israel ayaa lagu wadaa inay Aljazeera ka mamnuucdo in wax war ah laga soo tebiyo gudeheeda kaddib markii Xeer-ilaaliyaha Guud uu ogolaaday tallabadaasi.
Sida laga soo xigtey warbaahinta Israel, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gali Baharav-Miara iyo Wasiirka Isgaarsiinta, Shlomo Karhi, ayaa heshiis ka gaarey qoritaanka xeerarkan deg degga ah ee lagu joojinayo inay warbaahinta Qadar halkaa ka shaqayso.
Dowladda Israel ayaa marar badan dhaleeceysay wararka Aljazeera ee ku aaddan dagaalka ka socda Marinka Gaza. Al Jazeera waa mid ka mid ah kanaallada yar ee warbaahinta caalamiga ah ee joogitaanka jir ahaaneed ku leh Gaza iyo Israel labadaba.
Israa’iil ayaa waxay ka mamnuucday in qofna ka baxo ama soo galo Gaza, taasoo ay si buuxda u go’doomisay, kana jartay biyaha, korontada iyo cuntada, waxaana arrintaa dunida u bandhigaysa Al Jazeera.
Sidaa darteed, tebinta caalamiga ah ee duqaymaha Israa’iil, waa ay ku dhaceen hay’adaha warbaahineed ee hore ugu sugnaa goobtaasi, sida Aljazeera.
Kanaalka TV-ga Qadar waxa uu xiriir adag la yeeshay Israa’iil, taasoo ay ugu dambeeysey dilkii Maajo 2022 ee loo gaystey weriyahii ruug caddaaga ahayd ee Aljazeera, Shireen Abu Akleh.
Hadalsame Media