DF oo maamul KMG u aqoonsatay SSC (Mar xalay shirka lagu kala kacay & Wixii la diidey?)

0

(Muqdisho) 19 Okt 2023 – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah Masmul KMG ugu aqoontay maamulka SSC-KHHAATUMO ee fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee caasimadda u ah gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo uu hareer taagan yahay hoggaamiyaha KMG ah ee SSC ayaa ku dhawaaqay go’aanka kasoo baxay DF.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen labada mas’uul ayaa waxaa lagu sheegay in DF ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Febraayo, kaasoo sheegayey in aysan ka tirsanayn maamullada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoos tagaan Dowladda Federaalka ah.

MAXAA XALAY DHACAY? Shirka DF Somalia iyo SSC oo soo jiitamayey dhowr maalmood ayaa xalay mar lagu kala istaagey, sida ay xogta ku hayso warbaahinta Hadalsame.

Waayo? Sababtu waxay ahayd DF oo soo jeedisey in SSC ay qaadato maqaam la mid ah midka Gobolka Banaadir, yeelkeede, waxaa taa diidey wefdigii u xaajoonayey SSC oo ku adkaystay inay doonayaan Maamul buuxa.

Markii dambe ayaa wax la isu jiidjiidey oo waxaa la isla gartay in SSC uu noqdo maamul toos u hoos taga DF, balse uu isagu soo dhisto maamulkiisa oo aan loo magacaabin, sida Gobolka Banaadir, sida ay noo sheegeen ilo ku dhow DF.

Hadalsame Media