(London) 18 Okt 2023 – Foori iyo orrin ayaa laga maqlayey qaybo ka mid ah taageerayaasha Ingiriiska ee Wembley habeenkii Talaadadii xalay iyadoo ciyaartooyda England iyo Italy ay samaynayeen hal daqiiqo oo aamusnaan k hor inta aysan bilaabmin ciyaartii uu xalay Ingiriisku 3-1 uga badiyey Talyaaniga.
Ciyaartooyda ayaa maamuusayey dadkii ku dhintay weerarkii argagixisanimo ee Isniintii ka dhacay Brussels iyo dhibaatada haatan ka socota Bariga Dhexe ee Israel iyo Falastiin.
Ciyaartii Belgium ay la ciyaartay Sweden ayaa la joojiyey kaambiyada habeenimadii Isniinta markaasoo uu soo baxay warka sheegaya in nin hubaysan uu baxsad ku yahay Brussels kaddib markii uu diley laba taageere oo Swedish ah.
Booliska ayaa ugu dambayntii toogtey ninkii weerarka gaystey subaxnimadii Talaadadii shalaytoole.
Kumanaan taageereyaal ah ayaa lagu xayiray gudaha garoonka King Baudouin si ammaankooda loo ilaaliyo kahor inta aan la sii dayn aroortii hore ee isla subaxdii Talaadada.
UEFA ayaa hirgelisey in daqiiqad loo aamuso dadkii halkaa ku naf waayey, iyadoo ciyaartooyda England iyo Italy ay taas xushmeeyeen kahor kulankii Talaadada.
Hadalsame Media