(Gaza) 18 Okt 2023 – Wasiir ka tirsan Dowladda Spain ayaa ku dhiirradey mowqif aysan inta badan ku dhicin dalalka Galbeedka oo ay madaxdoodu kusii qulqulayaan Israel si ay hiillo ugu muujiyaan, iyagoo inta badan ka hadlaya dhibka gaarey hal dhinac.
”Labadaba Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu iyo argagixisada Xamaas waxay u baahan yihiin in lasoo taago Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC),” ayay tiri Wasiirka Xuquuqda Bulshada ee Spain, Ione Belarra.
“Israa’iil waxay ka waddaa xasuuq qorsheysan” Gaza iyada oo boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah uga tagtay biyo, cunto, iyo koronto, Belarra, oo ah hogaamiyaha Podemos, oo ah shuraako yar oo ka tirsan isbahaysiga talada haya, ayaa sheegtay. Waxa ay intaasi ku dartay in talaabadaasi ay tahay mid xadgudub weyn ku ah sharciga caalamiga ah iyo dembi dagaal oo suurtagal ah.
Belarra ayaa sidoo kale ku eedaysay Israa’iil “munaafiqnimo aan laga hadli karin” oo ay ku tilmaantay inay u adeegsato dilalka argagaxa leh ee ay Xamaas u gaysato rayidka si ay iyaduna ugu qiil dayato xadgudubyada ay iyadu gaysatey, ee ka dhanka ah Gaza.
Farriin muuqaal ah oo shan daqiiqo ah oo lagu baahiyey baraha bulshada, ayay Belarra waxa ay ku eedeeysay xukuumadda Netanyahu midab-takoor iyo qabsashada dhulka Falastiiniyiinta, taasoo ay dhiirrigaliyeen awoodaha Maraykanka iyo Midowga Yurub.
We ask our partner that, as the Government of Spain, we bring Netanyahu before the International Criminal Court for war crimes. Here is my official statement 👇 pic.twitter.com/Wuu8nnKfVp
— Ione Belarra (@ionebelarra) October 16, 2023
Hadalsame Media