MW Xasan Sheekh oo la sheegay inuu maaggan yahay 3 arrimood oo uu ka diidanaa Farmaajo

0

(Hadalsame) 18 Okt 2023 – Siyaasi ka mid ahaa Midowgii Musharrixiinta ayaa Maamulka haatan jira ee MW Xasan Sheekh oo midiwgaa ka mid ahaa ku dhaliilay 3 qodob oo ay ku wada diideen MW hore ee Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hoggaanka Xisbiga Wadajir oo ergay ka noqday nidaamka Xasan ayaa qoraal kooban ku yiri sidatan:

Saddex mabda’ siyaasadeed oo aan ku diiday Rajiimkii kan hadda jira ka horeeyey waa kuwo sugan oo aan cidna looga haybaysanin.

1 – In aan la xirin saaxada siyaasadda oo aan la diidin xoriyadda hadalka, safarka, kulanka, ku biirista xisbiyada iyo cabbirka fikirka siyaasadeed intaba.

2 – In doorashooyinka heer Federaal iyo Dawlad Gobol ay xilligooda ku dhacaan, muddo kororsina sharci dari yahay, horseedna u yahay xasilooni dari siyaasadeed.

3 – In aan ciidanka loo adeegsan dan siyaasadeed iyo cabburin shacab.

Waxaan ugu baaqayaa saaxibadii shalay mabaadi’daas nagula midaysnaa in aysan ka weecan, haddii kale aan la isku eedin.

Hadalsame Media