
(Hadalsame) 18 Okt 2023 – Waxaa la la’yahay laacib ka tirsan kooxda AC Milan oo u dhashay dalka Sweden, kaasoo lagu magacaabo Emil Roback, oo amaah kaga yimid AC Milan kuna biiray kooxda IFK Norrköping..
Sida ay shegayaan wararkii ugu dambeeyey ee laga soo xigtey Fotbolltransfers.com, Roback ma uusan soo xaadirin kulamada tababarka muddo labo toddobaad ah hadda.
Kooxda reer Sweden ayaa isku dayday inay la xiriirto laacibkan kasoo amaahan AC Milan, laakiin dhammaan isku dayadaasi ayaa fashilmay.
“Waxaan rabaa inaan ogaado inuu fiican yahay uun, waxaa welwel leh in aan la haynin, laakiin ma garanayo wax kale oo aan samayn karno, marar badan ayaan la fariistay isaga, laakiin way adag tahay in haddala helo,” ayuu yiri Agaasimaha Ciyaaraha ee kooxda, Tony Martinsson, ka hor inta uusan ku darin:
“Waxaan rabaa inuu halkaan yimaado, kaddib wax kasta waannu ka xaali karnaa, balse waa adag tahay in la ogaado maadaama aanu gaari la’ayn muddo 14 maalmood ah.”
Nous apprenons qu’Emil Roback ne s’est pas présenté à l’entraînement depuis plus de 2 semaines 😳
Le joueur prêté par l’AC Milan ne répond pas aux contacts du club, notre directeur sportif affirme « ne pas vouloir en dire plus pour le moment »
Affaire à suivre…
[🗞️… pic.twitter.com/oB23IaRRdu
— IFK Norrköping France (@ifk_france) October 17, 2023

Hadalsame Media