(Gaza) 18 Okt 2023 – Weerarkii dhulka ee Israa’iil ee sida wayn loo filayey ee Qaza ayaa laga yaabaa inaanu dhicin, sidaa afhayeenka ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) Lieutenant Colonel Richard Hecht ayaa Talaadadii soo jeediyey.
Ciidamada dalka ayaa isku diyaarinaya wejiga xiga ee howlgalkooda, inkastoo aysan shaacin doonin waxa ay tillaabadani tahay, ayuu raaciyey.
“Waxaan isku diyaarinaynaa marxaladaha xiga ee dagaalka. Ma aanan sheegin waxa ay noqon doonaan,” ayuu Hecht ugu sheegay saxafiyiinta kulan kooban. “Qof walba wuxuu ka hadlayaa weerar dhulka ah. Waxay se noqon kartaa wax ka duwan.” ayuu raaciyey, isaga oo aan tafaasiil ka bixin.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhexaysa ciidamada Israa’iil iyo kooxda Xamaas ee fadhigeedu yahay Gaza, kuwaasoo weerar lama filaan ah ku qaaday Israa’iil 7-dii bishan Oktoobar.
Warkan ayaa sidoo kale u muuqda in Israel ay ama ka baqday weerar dhulka ah oo aan sahlanayn, amaba inuu jiro cadaadis hoose oo lagu saarayo inay joojiso.
Hadalsame Media