DAAWO: ”War ka carar!” – RW Jarmanka oo cagaha wax ka dayey kaddib markii ay gantaallo… (Maxaa ka jira inuu dhulka seexday?)

0

(Tel Aviv) 18 Okt 2023 – Ra’iisul Wasaaraha Jarmanka ee Olaf Scholz ayaa loola cararay goob bambaanooyin looga dhuunto, isagoo ku guda jira booqasho uu ku tegey Israa’iil habeenimadii Talaadadii, kaddib markii wefdigiisa lagu khasbay inay ka cararaan diyaaradooda sababo la xiriirta gantaalaha ka imanaya Gaza, sida ay sheegeen weriyeyaal la socdey.

Seeriga qaylo-dhaanta ah ee duullaannada cirka ayaa mar qura qayliyey mar Scholz iyo kooxdiisu ay isku diyaarinayeen inay ka duulaan garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Tel Aviv, iyada oo Ra’iisul Wasaaraha si kooban loogu kexeeyey meel ammaan ah taxaddar ahaan.

Qayb ka mid ah dhacdadan ayaa lagu qabtay muuqaal duubaha waxaana dadka la wadaagtey weriyaha Jarmanka ah ee Sara Sievert, iyadoo la arkayo kaaliyeyaasha iyo saxafiyiinta oo kasoo baxaya diyaaradda si ay nafta ula baxsadaan.

In kasta oo warar hore ay sheegeen in Scholz sidoo kale lagu khasbay in uu dhulka seexdo intii ay xaaladdan cabsida lihi socotey, haddana weriye Robin Alexander, oo isna la socdey wefdiga, ayaa markii dambe caddeeyey in hoggaamiyaha la geeyey meel gabbaad ah oo garoonka ku taalla.

Alexander waxa kale oo uu xusay in uu “shakhsi ahaan u arkay qaraxyo cirka ku shareernaa” garoonka dushiisa iyadoo nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil uu ee ”Qubada Birta” ihi uu durba howlgalay.

Hadalsame Media