(Muqdisho) 18 Okt 2023 – Warar aanu iminka helayno ayaa sheegaya in ciidanka Nabad Sugida Gobolka Banaadir ay caawa gacanta ku dhigeen Maxamuud Maxamed Ibraahim oo loo yaqaan Abwaan Jeesto.
Ninkan dhallinyarada ah ayaa baraha bulshada ku faafiyey qoraallo uu sida ugu taageerayo argagixisada iyo fikirka xag-jirnimada ah, kuna dhaleeceynayo dowladnimada Soomaaliyeed iyo nidaamka dalka ka jira.
Maxamuud ayaa ka mid ahaa dhallinyarada magaalada Muqdisho kusoo galay summadda suugaanta, waxaana uu noqonayaa qofkii saddexaad oo bannaanka la yimaada fikirka xagjirnimada iyo taageerada argagaxisada, waxaana horay loo xiray Taakeeye oo laga soo qabtay dalka Kenya.
Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii Nageeye Cali Khaliif oo suugaanyahan iyo Macallin jaamacadeed ka ahaa Muqdisho la shaaciyey inuu aaday oo ku biiray kooxda AS, kaddib markii uu ku qancay aragtidooda sida uu ku daabacay buug uu horay u qoray.
W; D: Cabdicasiis Golfyare
Hadalsame Media