”Basas ayaan idinku qaadaynaa oo iyaga ayaan idiin gaynaynaa” – Israel oo u gooddisey Carabta ku hoos nool (Arrin looga digey)

0

(Tel Aviv) 18 Okt 2023 – Taliyaha Booliiska Dhexe ee Israel, Kobi Shabtai, ayaa sheegay in “aan loo dulqaadan doonin” dibedbaxyada lagu taageerayo Gaza ee ka soconaya dhulalka ay haysato Israa’iil.

“Qof kasta oo doonaya inuu noqdo muwaadin Israa’iil ahoow, soo dhowoow,” ayuu yiri Shabtai, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.

“Anyone who wants to identify with Gaza is welcome. I will put him on the buses heading there now,” he said.

“Qof kasta oo raba inuu haybsado Gaza waa lasoo dhowaynayaa. Waxa aana saarayaa basaska u socda hadda halkaasi.” ayuu raaciyey.

Faallada Taliyaha Booliiska ayaa sidoo kale lagu daabacay kanaalka Carabiga ee Tik Tok ay ku leeyihiin booliiska Israel.

Hadalsame Media