(Tel Aviv) 17 Okt 2023 – Millateriga Israa’iil ayaa loo diyaariyey “dagaal muddo dheer” waxayna dagaallami doonaan ilaa ay ka gaarayaan guul buuxda oo ay kasoo hooyaan cadawgooda, sida uu yiri Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo taa kaga dhawaaqay khudbad uu ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga jiilaalka ee baarlamaanka Kneset.
Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay hadda u dagaallamayso jiritaankeeda, wuxuuna muujiyey kalsoonida uu ku qabo inuu ugu dambayntii si buuxda uga guulaysan doono Xamaas, kooxda iska caabinta Falastiiniyiinta oo weerar lama filaan ah ku qaadday dhulka Israa’iil ee u dhow Gaza todobaadkii hore, halkaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen boqollaal qof.
“This is a time of decisive struggle against those who are trying to destroy us. Our goal is victory, complete victory over Hamas, eliminating once and for all its power and the threat it poses to Israel,” Netanyahu said.
“Waqtigan waa xilli halgan adag lagula jiro kuwa isku dayaya inay na baabi’iyaan. Hadafkeennu waa guul, guul dhammaystiran oo aan ka gaarno Xamaas, inaan meesha ka saarno hal mar awooddeeda iyo khatarta ay Israa’iil ku hayso,” ayuu yiri Netanyahu.
Intii uu khudbadiisa ku guda jirey, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkaystay in Israa’iil ay sidoo kale diyaar u tahay inay ka aargoosato kooxda Xisbullaah ee Lubnaan haddii ay isku daydo inay farageliso colaadda Israa’iil iyo Falastiin.
”Ha samaynina khaladkii hore, waayo markan jawaabtu waa ka wayn tahay sidii hore.” ayuu ku gooddiyey.
Hadalsame Media