Markii ay Itoobiya iska hortaagtay in ciidamada Soomaaliya ay weeraraan Israel

0
Members of Somali National Army (SNA), who back the opposition, prepare to move to their barracks after reaching an agreement with the prime minister following clashes over the tenure of the president, in Mogadishu, Somalia May 7, 2021. REUTERS/Feisal Omar

(Hadalsame) 17 Okt 2023 – Sannadkii 1967-kii waxaa ka qarxay Bariga Dhexe dagaal weyn oo socday 5-tii illaa 10-kii bishii Juun ee sannadkaas. Dagaalkaas, wuxuu u dhexeeyey dowladda Masar oo ay xulufo la yihiin dowladaha Siiriya iyo Urdun iyo dowladda Israa’iil.

Magacyo kala duwan ayaa loo yaqaan dagaalkaas. Adduunku, wuxuu ugu yeeraa ‘Dagaalkii Carabta iyo Yuhuudda ee 1967’ ama ‘Dagaalkii Saddexaad ee Carabta iyo Yuhuudda’. Carabta guud ahaan, iyo Masaarida gaar ahaan, waxay dagaalkaas ugu yeeraan ‘Dagaalkii 1967 ama ‘Dibu-Dhac’. Dhanka Yuhuudda waxaa looga yaqaannaa ‘Dagaalkii Lixda Maalmood’.

Magac walba ha lahaadee, wuxuu ahaa dagaal ruxay caalamka oo idil. Wuxuu ka billowday xiisad soo taagneyd illlaa iyo aasaaskii xukunka Israa’iil, taas oo ay sii adkeysay meel-marin la’aanta heshiiskii Armistice, ee la saxiixay 1949-kii, iyo xirashadii ay Masar xiratay Gacanka Suweys 1956-kii, kuna dhawaaqday inay qarameysay.

Bishii May 1967-kii ayaa mar kale Madaxweynihii Masar Jamaal Cabdinaasir uu ku dhawaaqay in Gacanka Tiran (the Straits of Tiran), ee afaafka Siinaay iyo Jasiiradda Carabta ku sii xira Badda Cas uu ka xiray maraakiibta Israa’iil, isagoo amar degdeg ah ku bixiyey inay halkaas isaga baxaan ciidamo gurmadka deg-degga ah, oo ay sannadkii 1956-kii keentay Qaramada Midoobay, kuwaas oo la magac-baxay UNEF (the United Nations Emergence Force).

Isla markii ay billaabeen UNEF inay halkaas ciidankooda ka gurtaan ayaa maalinnimadii 5-ta June 1967 waxay ciidanka Israa’iiliyiintu soo qaaddeen weerar lama-filaan ku noqday ciidanka Masaarida. Weerarka maalintaas waxay bartilmaameedsadeen, oo ay ku burburiyeen dhammaan qalabkii difaaca cirka ee Masar.

Markii ay Israa’iiliyiintu hubsadeen inay haystaan awood ay ku maamuli karaan hawada sare ayay soo dhaqaajiyeen ciidankoodii lugta. Iyadoo uu batay cadaadiska ciidan ee Israa’iil ayaa Madaxweyne Jamaal Cabdinaasir wuxuu amray in dib looga soo gurto Siinaay, halkaas oo ay Israa’iiliyiintu qabsadeen, kuna sii darsadeen qabsashada Marinka Qasa. Qabsashada Siinaay, oo ah goob istaraatiiji ah, waxay ruxday dareenka ummadaha Muslimka oo dhan, waxayna ka ooysiisay madaxda Carabta. Maalintii shanaad ee dagaalka waxaa soo gashay Siiriya, oo duqeysay fariisimo ay ciidanka Israa’iil ku leeyihiin dhanka waqooyi. Urdun, oo iyaduna – dagaalka hal usbuuc ka hor – heshiis difaac la gashay Masar, ayaa qaaday duulaanno ay ku xoojineyso ciidanka Masaarida.

Wadammadii sida weyn uga xumaaday jabka foosha xun ee loo geystay Masar waxaa ka mid ahaa Soomaaliya, oo ay madax ka ahaayeen Madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) iyo Ra’iisal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Sida uu daabacay wargeyskii afka dowladda ku hadli jiray ee Corriere della Somalia, Madaxweyne Aadan Cadde ayaa wuxuu xiriir degdeg ula sameeyey Shaahii Iiraan Mohammad Reza Shah Pahlavi, isagoo ka codsaday inuu shiidaalka ka joojiyo Israa’iil.

Telegram uu u diray ayuu ku yiri ‘shiidaal ha ka gadin Yuhuudda, waayo dagaal ayay galeen’. Iiraan, waxay ahayd meesha ugu weyn ee Israa’iil ay ka hesho shiidaalka ay ka soo dhoofsato caalamka, waxaana ay xilligaas Iiraan xiriir dhow oo soke la lahayd wadammada reer galbeedka, sida Mareykanka iyo Ingiriiska, oo iska maamulan jiray kheyraadkeeda, sida shiidaalka. Lama hayo wax jawaab ah oo Shaahii Iiraan uu ka soo celiyey codsiga Madaxweynaha Soomaaliya, waxaase loo badinayaa inuusan qaadin wax tallaabo ah, waayo wuxuu mar walba diidi jiray inuu ka careysiiyo wadammada reer galbeedka, oo xukunka ku hayey.

Dowladda Soomaaliya, oo sii dardar-gelinaysa garab-istaageeda, waxay telegram u dirtay madaxda dowladda Masar, iyadoo ku tiri ‘waan kula jirnaa, waxaana nahay garabkiina’. Telegram kaas oo kale ah, oo ay dowladda Soomaaliya taageero ugu muujinayso dowladda Masar ayay u dirtay Ururka Qaramada Midoobay.

Waxaa xigtay in Baarlamaankii Soomaaliya, oo uu Guddoomiye u yahay Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen, ay si buuxda – oo aan kala har lahayn – isugu raaceen in la garab-istaago dowladda Masar, laguna taakuleeyo wax kasta oo awood ah oo lagaga qafiifinayo duulaanka gardarrada ah, ee ay ku soo qaaday Israa’iil. Tallaabada ay qaadeen xubnaha Baarlamaanku, waxay ka tarjumeysay dareenkii guud ee ka jiray dalka Soomaaliya xilligaas, ee taageerada loogu muujinayey Masaarida.

google

Madaxweyne Aadan Cadde iyo Raysal wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (midig) oo la sawiran madaxweynihii Ghana Nkrumah

Wargeyska dowladda ee Corriere della Somalia, wuxuu faafiyey in la diraayo mutadawiciin Soomaali ah, oo ka garab-dirira ciidanka Masar. Ma ahayn markii ugu horreysay oo dadka Soomaaliyeed iyo dowladdoodu-ba ay is-garab-taagaan dadka Masaarida iyo dowladdooda.

Sannadkii 1956-kii, markii dagaalku ka qarxay Suweys Kanaal, waxaa meelo badan oo ka mid ah magaalooyinka dalka, oo ay ugu horreyso caasimadda Muqdisho, la dhigay koombooyin lacag loogu ururinayo dalka Masar, si loogu kaalmeeyo dhanka dhaqaalaha dagaalka. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa lacago badan iska soo ururiyey, waxaana loo diray magaalada Qaahira, iyadoo uu sii qaaday lacagtaas Xildhibaan Maxamed Cosoble Cadde, oo ka mid ahaa xildhibaannadii Baarlamaankii rayidka ahaa.

Lacagta la ururiyey, waxaa lagu magacaabay ‘Gargaarkii Port Saciid’. Waxaa Soomaaliya markaas Ra’iisal Wasaare ka ahaa Cabdullaahi Ciise Maxamuud, oo ahaa hoggaamiye qunyar-socod ah, dowladda Masar-na ay marar badan ku eedeysay inuusan jecleyn xiriir dhow oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Masar.

Taageerada 1967-kii, waxay ahayd tii labaad ee muuqata. Lixdii maalmood ee dagaalku uu socday ayaa Ra’iisal Wasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, wuxuu isku dayey inuu qaado laba tallaabo: (1) mid gudaha ah, iyo (2) mid dibadda ah.

Tan gudaha, isaga oo uu wehliyo Guddoomiye Sheekh Mukhtaar, oo ahaa nin wax ku soo bartay dalka Masar oo haysta takhaafo Carbeed, ayay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ugu tageen Madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, waxayna ku yiraahdeen ‘waxaan kaa dooneynaa inaad dib u dhigto doorashada madaxtinimada ee dhacaysa 10-ka bishaan Juun gudaheeda, adigoo ku sababeynaya duullaanka ku socda Masar’.

Doorashada madaxtinimada Soomaaliya waxaa loo ballansanaa inay dhacdo maalin Sabti ah, 10-ka bisha June. Madaxweyne Aaden Cadde, wuu diiday fekraddaas, waxayna doorashadu ku dhacday xilligeedii, taas oo lagaga guuleystay. Waxay ku beegnayd isla maalintii uu joogsaday dagaalkii Masar iyo Israa’iil.

Getty Images
30 May 1967: Jamal Abdinasir, hoggaamiyihii Masar iyo boqorka Jordan Xuseen oo wada socda kadib markii ay gaareen heshiis iskaashi-difaac ah

Markii ay halkaas mareyso ayaa Ra’iisal Wasaare Cabdirisaaq wuxuu go’aansaday inuu ciidamo Soomaaliyeed u diro Masar, si ay uga garab-dagaallamaan ciidanka Masaarida ee dagaalka ku soo jabay. Wuxuu weydiistay dowladda Itoobiya inay u oggolaato ciidankaas inay dul-maraan hawada Itoobiya, taas oo ay soo diiday, kaddib markii Boqorkii Itoobiya Xayle Selaasse uu ku soo jawaabay ‘amuurahayga gudaha ayaa ka badan’.

Iska dhaaf inay u oggolaadaan ciidan Soomaaliyeed inuu hawadooda dul-maree, waxay Itoobiyaanku xilligaas diidi jireen in duullimaadyada rayidka ah, ee Soomaaliya, ay dul-maraan hawada gobolka Soomaaliyeed ee Itoobiya, sida duullimaadka ka baxa magaalada Muqdisho ee u socda magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco (duullimaadyadaan rayidka ah, waxay mari jireen dariiqa hawadeed ee Garoowe).

Sidaas awgeed, waa la sii filan karay inaysan Itoobiya yeeleynin arrintaas. Waxaa kaloo la filan karay inay Israa’iil iyaduna tallaabo aargudasho ah ka qaadi doonto Soomaaliya, sida inay duqeyso garoomadeeda diyaaradaha, taas oo cawaaqib-xumo xoog leh ku keeni lahayd dadka Soomaaliyeed.

Israa’iil ayaa ku duushay dalka Ugaanda sannadkii 1967-kii, si ay u soo furato diyaarad laga afduubay, oo lagu dejiyey garoonka Entebbe ee bannaanka Kampala, waxaana howlgalkaas qasabka ah ku dhintay sarkaalkii Israa’iil, ee howlgalkaas hoggaaminayey, oo la oran jiray Yonatan Netanyahu, kaas oo la dhashay Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benyamiin Neyanyahu.

Si kastaba, haddii xukuumaddii Cabdirisaaq ay ciidan Soomaaliyeed u diri lahayd Masar, waxay noqon lahayd markii ugu horreysay ee ciidanka Soomaalidu – iyagoo xor ah – ay ka faltamaan furimo dagaal oo caalamka ah. Ciidamo Soomaali ah ayaa markaas ka hor – iyagoo u diriraya gumeysigii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska – waxay duulaamo ka soo galeen gudaha Itoobiya, dalka Burma, qaaradda Yurub iyo meelo kale oo ka mid ah Aasiya, intii uu socday Dagaalkii Labaad ee adduunka.

Ra’iisal Wasaare Cabdirisaaq ma sheegin tiro cayiman, oo ciidanka Soomaaliya ah oo uu u qoondeeyey inuu ku xoojiyo ciidanka Masaarida. Waxaa la qiyaasi karaa in ciidanka Masar ay u baahnaayeen ciidamo dhulka ah (infantry), oo lagu xoojiyo difaaca dhanka ay ka soo bexeen ee Siinaay.

Taliska ciidanka Soomaaliya, waxaa markaas hoggaaminayey Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre, oo marka dambe afgambi militari kula wareegi doona xukunka Soomaaliya. Waxaa baraha taliska joogay saraakiil lagu soo tababaray Ruushka, Talyaaniga, Masar, Siiriya, Ciraaq iyo meelo kale, oo khibrad iyo aqoon fiican u leh howlaha abaabulka iyo howlgelinta ciidammada.

Maxamed Xaaji Ingiriis waa taariikhyahan iyo cilmibaare wax ka dhiga jaamacadda King’s College London. Waxaa taariikhda Afrika ka daraasiiyaa jaamacadda Oxford University, ee Ingiriiska.

Hadalsame Media