
(Gaza) 17 Okt 2023 – Maraykanka ayaa mas’uul ka ah weerarka dhimashada badan dhaliyey ee Israa’iil ay ku qaadday isbitaalka al-Ahli ee Gaza kaasoo ay ilaa haatan ku dhinteen dad 500 gaaraya, sida uu sheegay hoggaamiyaha Xamaas ee Ismail Haniyeh.
“Maraykanku wuxuu leeyahay mas’uuliyadda weerarka isbitaalka sababtoo ah waa isaga midka daboolaya gardarrada Israel,” ayuu yiri Haniyeh.
Haniyeh ayaa intaa ku daray in weerarku uu xaqiijiyey “arxandarrada” Israa’iil iyo heerka “guuldarradii” gaartey kaddib weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto ay ka kacaan gumaysiga Israa’iil – xilli ay durba kumannaan kun ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Ramallah.
Afhayeen u hadlay millateriga Israa’iil, Daniel Hagari, ayaa sheegay in gantaallo badan oo laga soo ganay Gaza “ay kasoo dhacayeen agagaarka” cisbitaalka al-Ahli markii la weeraray, isagoo ku dooday in gantaal ka khaldamay Islaamic Jihaad uu ku habsadey isbitaalka.
Ha yeeshee, weriyaha kasoo warrama koonfurta Israa’iil, ee Aljazeera Stefanie Dekker ayaa sheegtay in Israa’iil ay si joogto ah ugu eedayso inuu yahay gantaal ka wareeray kooxaha Falastiiniyiinta marka ay duqaymo ku disho dadka rayidka ah Qaza dhexdeeda.
Hadalsame Media