SAWIRRO: Israel oo tirtay muuqaal ay macmashay & Weriye Maraykan ah oo arrin cusub kashifay (Mudaaharaadyo dunida Muslimka ka bilowday)

0

(Gaza) 17 Okt 2023 – Ciidamada Israel ee IDF ayaa tiray muuqaal ay sheegeen inuu muujinayo in gantaalka ku dhacay Isbitaal al-Ahli uu yahay mid ka kaddibey kooxda Islamic Jihad.

Ciidamada Israel ayaa arrintan ku fashilmay kaddib markii uu weriyaha NY Times ee ku Eric Toler uu kashifay in muuqaalkooda la duubay 8 pm aminta maxalliga ah oo ku beegan 40 daqiiqo kaddib xilligii isbitaalka la duqeeyey.

Muuqaalka ay markii dambe qoraalkiisa tifaftireen ayaa xitaa ka fog waxa ay ku sheegeen oo wuxuu muujinayaa gantaal lagu qabanayo dusha sare ee Gaza, balse ma aha mid kaddibey.

Caro aad u ba’an ayaa laga dareemayaa Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, iyadoo kumannaan dad ihi ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin duqaynta Israel ee isbitaalka al-Ahli.

Mudaaharaadyo iskood u bilowday ayaa ka socda Ramallah, Cammaan iyo Aqaba oo ka tirsan Urdun, Istanbul iyo Ankara ee Turkiga, Idlib ee Suuriya, caasimadda Morocco ee Rabaat, caasimadda Tuniisiya ee Tuunis, iyo Taiz oo Yemen. Taasina waa uun qaar ka mid ah.

Boqorka Urdun ayaa kansalay kulan Camaan ku dhexmari lahaa isaga, Biden, Siisi iyo Cabaaska Falastiin, sida ay sheegtay WaD Urdun.

Hadalsame Media