”Gaza waxay isu rogi doontaa qubuuraha ciidanka Israel” – Iran oo ku gooddisey inay dagaalka soo gelayso haddii…

0

(Tehraan) 17 Okt 2023 – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa ka digey in haddii dadaalada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo duqaymaha Israel, loogana hortagayo duullaanka dhulka ah ee Qaza lagu guuleysan waayo, ay suuragal tahay in dagaalku uu sii xumaado si aan la xakamayn karin, iyadoo ciyaartooy badan oo gobolka ahi ay kusoo biirayaan dagaalka.

Hossein Amir-Abdollahian ayaa u sheegay Aljazeera, isagoo ku celceliyay digniin ah “Haddii tillaabooyinka looga gol leeyahay in si deg deg ah loo joojiyo weerarrada Israa’iil ee ay ku dilayso carruurta Marinka Gaza ay ku dhammaadaan ismari waa, ay aad u macquul tahay in wejiyo kale oo badan dagaalka lagu arko.” Iran ayaa digniintaa ku celcelinaysey tan iyo usbuucii la soo dhaafay.

“Haddii Sahyuuniyadda [Israa’iil] ay go’aansato inay gasho Gaza, hoggaamiyeyaasha wax iska caabintu waxay Gaza u rogi doonaan qabuuraha askarta soo duushey,” ayuu raaciyey, isaga oo tixraacaya Xamaas.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran marnaba kama laaban doonto mabaadi’deeda iyo qiyamkeeda ku aaddan taageeridda qaranka Falastiin.” ayuu ku nuuxnuuxsaday.

Hadalsame Media