(Washington, DC) 17 Okt 2023 – Dowladda Maraykanka ayaa noqotay mid ka mid ah kuwa ugu badan ee haysta lacagta cryptocurrency kaddib markii ay la wareegtey ku dhowaad 200,000 oo bitcoin oo qiimaheedu yahay balaayiin doollar, sida ay qortay WSJ, iyadoo soo xiganaysa falanqayn ay samaysay shirkadda crypto 21.co.
Boorsooyinka Hardware-ka ee ay maamusho Waaxda Caddaaladda, Adeegga Dakhliga Gudaha (IRS) iyo hay’adaha kale ee dowladda ayaa ka kooban 194,188 bitcoin, oo lagu qiyaasay in qiimohooda yahay $5.3 bilyan oo Doollar, sida laga soo xigtey 21.co, weliba marka qiimaha meel hoose laga qabto.
Falanqaynta ay samaysay shirkadda ‘crypto’ waxay la socotey dhaqdhaqaaqa bitcoin ee u socda iyo ka socda xisaabaadka Dowladda Maraykanka ee la xiriira saddex jeer oo ay la wareegeen lacag cryptocurrency ah ilaa 2020-kii.
Tusaalaha xusidda mudan ayaa ahaa midkii dhacay Janaayo 2022, kaasoo qaatay ku dhowaad lix sano in la dhammaystiro islamarkaana keentay inay Waaxda Caddaaladdu ay gacanta ku dhigto 94,643 bitcoin.
Sidoo kale, 51,326 bitcoin ayaa lagalala wareegey James Zhong bishii Maarso 2022. Xiritaankii caan baxay ee suuqa daroogada ee Jidka Xariirta (Silk Road) bishii Nofeembar 2020 ayaa u saamaxday Dowladda Maraykanka inay qabato adduun dhan 69,369 bitcoin.
Hantidan ayaa lagu soo warramayaa in haatan loo kaydiyey OFFLINE ahaan, iyadoo ay si qarsoodi ah u hayaan Waaxda Caddaaladda iyo Adeegga Dakhliga Gudaha ee IRS.
Hadalsame Media