(Addis Ababa) 17 Okt 2023 – Khudbad 45 daqiiqo ah oo laga sii daayay TV-ga oo uu u jeediyey sharci dejiyayaasha Itoobiya, islamarkaana u muuqda inuu yahay markii ugu horreeysey ee uu si cad uga hadlo arrinta Badda Cas iyo xitaa Badwaynta Hindiya, ayuu RW Abiy Axmed ku sheegay in helitaanka dekedi ay tahay arrin jirta oo Itoobiya u taal, ayna tahay in Itoobiyaanku ugu yaraan bilaabaan ka hadalka Badda Cas. Halkan ka aqri asliga…
Wuxuu intaa raaciyey in Itoobiya ay 2030-ka noqonayso 150milyan oo qof, sidaa darteedna aysan macquul ahayn inay deked la’aan noqdaan ama ay oon ku joogaan tiiyoo ay biyo badani ku hareeraysan yihiin, isagoo ku dhiirradey inay taasi mustaqbalka keeni doonto dagaal gobolka ka dhaca, waloow uu ku af gobaadsaday inaysan taas jeclayn.
Waxaa haatan jira siyaasiyiin iyo dalal ka jawaabey hadalka qar iska tuurka ah ee Abiy Ahmed oo sida uu laftiisuba qiray u bareeray hadal ay la gabban jireen madaxdii isaga ka horreeysey, iyadoo dadka qaarkood sida Maxamed Abiib oo Xildhibaan ka ah Somaliland ayba u guuxeen isagoo u muuqda nin aan dhuuxin nuxurka dekedda ay raadinasyo Itoobiya oo aan ahayn mid ay maalgashato.
Cabdulqaadir Jirde oo ah siyaasi aqoonyahan ah ayaa sida ugu wanaagsan u sawiray damaca Itoobiya, isagoo dhawr sano kahor ka hadlayey xilli uu ka tirsanaa isla baarlamaanka Somaliland oo uu hadda ka tirsan yahay Maxamed Abiib.
Wuxuu xusay inaanu abid dhiman doonin damaca ay Itoobiya ka leedahay inay qabsato qaybo kale oo ka tirsan Somalia ama dhulka Soomaalida, gaar ahaan, meel bad leh, isagoo isku misaaley qadiyadda Somaliwayn iyo damaca dhul boobka ah ee Itoobiya.
Wuxuu kale oo sheegay inay Itoobiya xitaa sheegato inay iyaga ka tirsan yihiin ilaa 3 qabiil oo deggan woqooyiga Somalia oo haatan uu ka jiro maamulka Somaliland iyo qaar kasii go’ay.
Wuxuu kale oo xusay inay aragti gaaban tahay in la iska aamino in Abiy Ahmed loo arko nin ka wanaagsan madaxdii kale ee Itoobiya soo martay.
Hadalsame Media