Colombia & Israel oo furka isku xooray kaddib hadal uu Gaza ka sheegay MW dalkaasi (Daawo)

0

(Addis Ababa) 17 Okt 2023 – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Colombia, Alvaro Leyva, ayaa Isniintii sheegay in Safiirka Israa’iil ee Bogota, Gali Dagan, uu “raalligelin bixiyo oo uu dalkaana ka baxo” kaddib markii uu dhaleeceeyey mowqifka uu qaatay Madaxwaynaha Colombia ee Gustavo Petro ee ku saabsan iskahorimaadka IDF iyo Xamaas ee Gaza.

Wasiirka ayaa se markale xusay in ergayga aan la ceyrin doonin, balse wuxuu kula taliyey Dagan in uu ixtiraamo Madaxwaynaha dalka martida loo yahay sida ay taasi waajib ugu tahay dhanka xiriirka diblomaasiyadeed.

Axadii, Dagan ayaa ku jawaabey qoraalkii Petro ee X (ex Twitter) kaasoo uu MW Colombian-ku ku andacoodey in kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ay tahay mid ay abuurtay Mossad, oo ah hay’adda sirdoonka Israel. Ergaygu wuxuu si jeesjees ah ugu hoos qoray “waa run.”

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan jeclaan lahaa inaan idinla wadaago xog dheeri ah oo aan ka helnay hay’adaha sirdoonka, kuwaasoo ah kuwa ugu wanaagsan adduunka: Odayaasha Sion ayaa aasaasay Beesha Khaliijka. Weli waxaa jira Yuhuud leh sanan waawayn, kuwaasoo amar siiya ciidamada Gaitanista ee Colombia.”

Xiisada diblumaasiyadeed ee qaraar ee u dhaxaysa labada wadan ayaa soo bilaabatay maalin kaddib 7-dii Oktoobar, markaasoo kooxda hubaysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas ay weerar lama filaan ah ku qaadeen bartilmaameedyo rayid iyo millateri oo ay Israa’iil ku lahayd xaafadaha deriska la ah ee Gaza iyagoo qafaashay daraasiin dad ah. Israa’iil, oo ka jawaabaysa, ayaa duqaymo aargoosi ah ku qaadday degaankaas go’doonsan.

Isagoo ka faalloonaya X ayuu Petro wuxuu qoray ”inuu u kuur gelayey iskahorimaadka Gaza tan iyo sannadihiisii ​​hore taasoo uu ku ogaadey in dadka reer Falastiin ay la kulmeen “cadaalad darro aad u wayn.

“Hoggaamiyaha dalkan Koonfurta Ameerika ayaa wuxuu xusay in Israel oo uu ku tilmaamay Naasiga cusubi ay rabaan burburinta dadka Falastiiniyiinta ah, xorriyaddooda iyo dhaqankooda.”

Wuxuu Qoraalka kusii daray in hadalka ay Israel kula hadlayso dadka Gaza uu la mid yahay midkii ay Naasiyiintii Jarmanku kula hadli jireen Yuhuudda.

Safiirka Colombia ee Israa’iil Margarita Manjarrez ayaa deeto loogu yeeray canaan rasmi ah, taasoo sidoo kale lagu wargeliyey in la hakiyey iskaashiga difaaca ee u dhexeeya labada dhinac.

Israa’iil waxay ka mid ahayd meelaha hubka ugu badan ay ka hesho Bogota si ay ula dagaallamaan kooxaha daroogada iyo kuwa fallaagada ah.

Hadalsame Media