”Xalka waa dhismaha Falastiin xor ah mana la aqbali karo go’doominta Gaza” – MW Ruushka oo Israel ku eedeeyey arxandarro

0

(Bishkek) 16 Okt 2023 – Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa muujiyey “arxandarro” iyo “cadaawad” midba uu kan kale u hayo, sida uu sheegay Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin oo ku boorriyey labada dhinac inay mudnaanta siiyaan ka fikirida “dadwaynaha rayidka ah” taa beddelkeeda.

Isagoo hadlayey shir jaraa’id oo uu kusoo gabagabeeyey booqashadiisa labada maalmood ahayd ee Kyrgyzstan, Putin wuxuu cambaareeyey weerarka Israel, isagoo ku tilmaamay “arxan darro” aan caadi ahayn oo ay gaysteen Xamaas.

“Israa’iil, dabcan, waxay la kulantay weerar aan horay loo arag, kaasoo aan weligiis dhicin taariikhda, oo aan ahayn miisaanka oo kaliya, laakiin sidoo kale dabeecadda dilalka, naxariis-darrada – hagaag, maxaan dhihi karaa? Waa inaan ugu yeernaa wax kasta waxa ay yihiin,” ayuu yiri.

Islamar ahaantaana, Israa’iil waxay uga jawaabtey weerarkaas si aad u ballaaran “oo leh habab kale oo aad u naxariis daran,” Putin ayaa xusay, isagoo ku boorriyey labada dhinacba inay “ka fikiraan dadka rayidka ah” inkastoo “si kasta oo ay iskugu ciil-cunsan yihiin labada dhinac.”

Madaxwaynaha Ruushka ayaa ka digey in xayiraad guud lagu soo rogo Gaza, isaga oo ku tilmaamay habkan loo wajahayo Falastiiniyiinta mid aan la aqbali karin.

“In ka badan laba milyan oo qof ayaa ku nool halkaas. Qof kastaa ma taageero Xamaas, si kastaba, ma aha in qof walba uu ciqaabtooda maro, kuwaasoo ay ku jiraan haweenka iyo carruurtu. Dabcan, qofna kasta igu raaci maayo arrintan,” ayuu Madaxwaynuhu ku adkaystay.

Putin ayaa ku celiyey mowqifka Ruushka ee ah in khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas lagu xallin karo wada xaajood, iyo sidoo kale in loo hoggaansamo qaraarrada Qaramada Midoobey, kuwaasoo ah in la abuuro Falastiin madaxbannaan.

Moscow waxay diyaar u tahay inay dhexdhexaadiso khilaafkan, iyadoo ka faa’iidaysanaysa xiriirka dhow ee ay la leedahay labada waddan ee Carabta iyo Israa’iil, ayuu Putin hadalkiisa ku daray.

Hadalsame Media