”Waxay noo noqon karaan bartilmaameed” – Ruushka oo ka digey inuu duqayn karo dayax-gacmeedyada Maraykanka

0

(Moscow) 16 Okt 2023 – Dayax-gacmeedyada reer Galbeedka ee loo isticmaalo in lagu caawiyo ciidamada Ukraine ayaa noqon kara yool ”sharci ah” oo lagu bartilmaameedsado weerarrada Ruushka, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Moscow ayaa ka digtey.

Isagoo la hadlayey warfidiyeenka, Agaasimaha Wasaaradda ee kahortagga iyo xakamaynta hubka, Vladimir Ermakov, ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisu ay u caawinayaan Ukraine siyaabo ka baxsan adeegsiga aan waxyeellada lahayn ee tignoolajiyadda hawada sare.

“Sida iska cad, Maraykanka iyo xulafadiisu si buuxda uma oga in dhaq-dhaqaaqyadan oo kale ay dhab ahaantii ka dhigan yihiin ka qaybgalka aan tooska ahayn ee iskahorimaadyada hubeysan,” ayuu yiri Ermakov. Waxa uu ka digey in”kaabayaasha rayidka ah ee reer Galbeedku” ay “si macquul tahay inay noqon karaan bartilmaameedyada duqayn aargoosi ah.”

Maalgelinta adeegyada sawirrada dayax-gacmeedka ee ganacsiga ayaa lagu daray $1.2 bilyan oo Doollar oo ah xirmo gargaar millateri ah oo uu Maraykanku ugu loogu talagalay Ukraine taasoo la ansixiyay bishii Maajo.

Sawirro laga helay dayax-gacmeedyada ganacsiga ayaa la rumaysan yahay in Kiev ay u adeegsatey inay weerarro gantaalo ah ku qaaddo magaalada Sevastopol ee Ruushka ee Crimea bishii hore.

Hadalsame Media