MW Komishanka EU oo munaafaqad lagu tilmaamay mowqifkeeda xasuuqa Gaza (Dalalka EU oo ay uga baxday mowqifkii ay isku ogaayeen)

0

(Hadalsame) 16 Okt 2023 – Madaxwaynaha Komishanka Midowga Yurub ee Ursula von der Leyen ayaa la kulmeysa dhaleecayn ah inaysan si cad ugu baaqin Israel inay ixtiraamto sharciga caalamiga ah ee dagaalka inta lagu guda jiro safar ay ku tagtay Israel Jimcihii.

Von der Leyen, oo ah siyaasi midig-dhexe ah oo Jarman ah, ayaa booqatay Kfar Aza kibbutz halkaas oo maleeshiyaadka Xamaas ay ku dileen dad badan oo rayid ah weerar todobaadkii hore lagu diley in ka badan 1,400 oo Israa’iiliyiin ah.

Waxay sidoo kale muujisay hiillo aan qarsoonayn oo u jeedisey Israa’iil iyadoo ka wakiil ah Midowga Yurub.

Laakiin waxay la kulmaysaa diidmo iyo dhaleecayn siyaasadeed oo kaga imaanaya sharci-dejiyayaasha iyo diblamaasiyiinta Yurub maadaama aysan ka hadlin cawaaqibka bini’aadminnimo ee ka dhalan kara weerarrada aargoosiga ah ee Israa’iil ku hayso Gaza, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 2,000 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan dad badan oo rayid ah.

“Waxay si fudud u sheegtay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is difaacdo, joogsi,” ayuu yidhi diblamaasi si qarsoodi ah u hadlay. “Taasi maaha mowqifkii ay kula heshiiyeen dowladaha xubnaha ka ah EU.” ayuu raaciyey.

”Ma jirto wax cudurdaar ah oo loo helayo falka argagaxa leh ee Xamaas. Israa’iil waxay xaq u leedahay inay is difaacdo. Islamarkaana dadka rayidka ah ee Gaza ayaa sidoo kale dhibanayaal u ah Xamaas. Tani waa sababta aan u saddex jibaarayno gargaarka bini’aadminnimo ee Falastiiniyiinta baahan.” ayay tiri iyadoo eeddii oo idil dusha u saartay Xamaas, balse aan marna xusin xasuuqa ay gaysanayso Israel.

Dadwaynaha oo ka fal-celinayey qoraalkeeda X ayaa lasoo deg degey isbarbardhigga hadalkeedii ku aaddanaa Ukraine oo ay Ruushka ku eedaysay inuu gaysanayo dembiyo dagaal iyo argagixin iyo ka aamuskeeda isla falkaas oo ay mid ka daran Falastiin ku hayso Israel.

Hadalsame Media