(Addis Ababa) 16 Okt 2023 – Khudbad 45 daqiiqo ah oo laga sii daayay TV-ga oo uu u jeediyey sharci dejiyayaasha Itoobiya, islamarkaana u muuqda inuu yahay markii ugu horreeysey ee uu si cad uga hadlo arrinta Badda Cas iyo xitaa Badwaynta Hindiya, ayuu RW Abiy Axmed ku sheegay in helitaanka dekedi ay tahay arrin jirta oo Itoobiya u taal, ayna tahay in Itoobiyaanku ugu yaraan bilaabaan ka hadalka Badda Cas. Halkan ka aqri asliga…
“Badda cas iyo Webiga Niil ayaa go’aamin doona (aayaha) Itoobiya. Waxay isku xiran yihiin waxayna noqon doonaan aasaaska ama keeni doona horumarka Itoobiya ama burburkeeda,” ayuu yiri RW Itoobiya.
“Arrinta ugu murugada badan ee i xanuujisa ayaa ah in ka doodista ajendaha Badda Cas xitaa heer baarlamaan loo arko inay tahay xaaraan. Maxaan uga baqaynaa inaan ka hadalno?” ayuu raaciyey isagoo furaya weji cusub oo ay Itoobiya woxoogaa qarsan jirtey.
Wuxuu sharraxay in ka faa’iidaysiga wadajirka ah ee labada biyood ee muhiimka ah ay keeni karto nabad iyo midnimo iyo sidoo kale barwaaqo taam ah oo ay gaaraan dalalka Geeska Afrika. “Tusaale ahaan: haddii Ereteriya, Jabuuti, Soomaaliya, Itoobiya hal waddan ahaan lahaayeen – iska ilow federaal ama konfederaal – hadday hal waddan ahaan lahaayeen si kasta oo ay ahaataba, ma kula tahay in Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Ereteriya ay dawarsan doonaan?
Waxay la macno tahay Ruush kale, Shiine kale, Ameerika kale; Dal aad u wayn,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in si gobolka oo dhami uu nabad u helo oo loo xaqiijiyo barwaaqo“ waxa ugu horreeya ee ay tahay in la eego ay tahay Badda Cas. Arrinta Badda Casi waxay u baahan tahay wadahadal dhab ah,” ayuu soo jeediyey.
Waxa uu sharraxay in xuquuqda Itoobiya ay u leedahay inay deked hesho ay salka ku hayaan arrimo juquraafi, taariikheed, qowmiyadeed, ama dhaqaale, oo ay ku jiraan in baahida sharciga ah ee Itoobiya u qabto helitaan ku filan oo dhanka badda ah lagu daray heshiis ku yaal cahdiga Qaramada Midoobey, sida uu sheegay.
Wuxuu intaa raaciyey in Itoobiya ay 2030-ka noqonayso 150milyan oo qof, sidaa darteedna aysan macquul ahayn inay deked la’aan noqdaan ama ay oon ku joogaan tiiyoo ay biyo badani ku hareeraysan yihiin, isagoo ku dhiirradey inay taasi mustaqbalka keeni doonto dagaal gobolka ka dhaca, waloow uu ku af gobaadsaday inaysan taas jeclayn.
Wuxuu kaloo u abaal sheegtay dalalka deriska la ah Itoobiya oo uu tilmaamay inay gebigood biyo nadiif ah ka helaan Itoobiya, balse aysan iyagu hal dhibic oo biyo ah ka helin dalalkaasi oo ay Somalia iyo Jabuutiba ku jiraan.
“Eritrea waxay leedahay Tekeze [webi]; Suudaan waxay leedahay Tekeze iyo Niil; Koonfurta Suudaan waxay leedahay Baro; Kenya waxay leedahay Omo; Soomaaliya waxay leedahay Webi Shabeelle iyo Genaale Daawa (Jubba). Waa ayo [dalka jaarka ah] ee aynaan biyo siin? Ma jiro waddan keliya oo Itoobiya siiya litir biyo macaan ah; dhamaantood waa qaatayaal. Way se mudan yihiin. Waanaa sii wadi doonaa inaan siinno biyo dheeraad ah. Laakin in la yiraahdo ‘waan idinla wadaagi doonnaa biyihiinna laakiin adinku biyo hanna weydiisanina’ sax maaha.” ayuu ku qayliyey Abiy Axmed.
W; D: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media