(Hadalsame) 16 Okt 2023 – In Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Croatia la saaro calanka Israel waxay ahayd “nacasnimo” aan munaasib ahayn, sida uu qabo Madaxwaynaha dalkaasi Zoran Milanovic, isagoo intaas ku daray in gabood-fallada ay gaysanayaan Xamaas aysan Israa’iil siinaynin xuquuq ay ku duqeeyaan dadka rayidka si ay uga aargoostaan.
“Waxaan u malaynayaa inay ahayd tallaabo doqonnimo ah, dhammaan beer-jileecaygii Israa’iil – waxa ay nasiib darro ku lumiyeen 15 daqiiqo – kaddib argagaxii iyo xasuuqii Xamaas,” Milanovic ayaa sidaa u sheegay suxufiyiinta oo wax ka waydiiyey dhacdada calanka la saaray WaD.
“Waan dhaleeceeyey dilalka [Xamaas], waxaana ka muujiyey argagax iyo xumaan, laakiin xuquuqda is-difaaca kuma jirto aargoosiga iyo dilka rayidku,” ayuu raaciyey.
Ururka Xamaas ayaa Sabtigii hore weerar kedis ah ku qaaday saldhigyo iyo degaanno u dhow Gaza, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 1,400 oo muwaadiniin Israa’iil ah, sida lagu sheegay tirokoobyadii ugu dambeeyey ee laga soo xigtey Galbeedka Quddus.
Israa’iil ayaa se ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah kooxda falastiiniyiinta, waxayna ku garaacday Gaza madaafiic, gantaalo iyo diyaarado, iyadoo wacad ku martay inay “kala dirayso” hoggaanka Xamaas.
Israel ayaa ilaa haatan dishey dad ka badan 2,500 oo rayid ah oo 800 oo ka mid ihi ay carruur yihiin. 400,000 oo qof ayaa sidoo kale barakacay, halka ay go’an yihiin biyaha, korontada iyo gaasku.
Hadalsame Media