(Laascaanood) 16 Okt 2023 – Waxaa magaalada Laascaanood gaarey raashin ay halkaa u dirtay DF Somalia si loogu qaybiyo dadka halkaa ku tabaalaysan.
Raashinkan oo ay dirtay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ayaa ka kooban cuntooyin kala geddisan iyo nafaqooyin gaar ah.
“Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa gargaarkan bani’aadannimo ugu tala gashay dadka nugul ee ay colaaduhu saameeyeen ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool,” ayaa laga soo xigtey warbaahinta DF Somalia.
Wuxuu ka kooban yahay ilaa 500 oo tan oo raashin ah ayaa qayb ka ah dadaallada gurmad ee hay’adda SoDMA u fidinaysay shacabka Laasacaanood tan iyo markii ay bilowdeen dagaalladii ka dhacay magaaladaasi.
DF Somalia ayaa horay marar kale raashin iyo agabyo kale u gaarsiisay magaalada Laascaanood, kaasoo qayb ka ahaa kaalmooyinka loogu tala galay dalka.
Food aid trucks sent by the National Disaster Management Agency @SoDMA_Somalia have arrived today in #Laascaanood town of the #Sool region. The aid will be distributed to those in need. pic.twitter.com/4pTygdIDRf
— SNTV News (@sntvnews1) October 15, 2023
Hadalsame Media