(Brussels) 16 Okt 2023 – Waxay ahayd abbaarihii 19.15 markii dhowr xabadood laga maqlay meel u dhow faras-magaalaha Place Sainctelette ee bartamaha Brussels.
Labo qof oo sida ay sheegeen dacwad oogayaasha Belgium-ku u dhashay Sweden ayaa toogasho lagu diley. Mid kale oo isna iswiidhish ahna si xun ayuu u dhaawacmay.
Dhowr sawir iyo fiidyow ayaa la faafiyey dhacdadan. Waxay muujinaysaa nin ku lebbisan jaakad liimi ah iyo koofiyad cad, oo baacsanaya dhowr qof isagoo hub – isla mar ahaantaana wuxuu ridey dhowr xabbadood isagoo ku qaylinaya ”Allaahu Akbar.”
Sida laga soo xigtey warbaahinta maxalliga ah, waxa uu hal qof ku dhex toogtey meel hool ah kadibna laba qof ayuu tagsi ku dhex toogtey. Dembiilaha ayaa la sheegay inuu goobta kaga baxsaday mooto.
Kahor inta uusan weerarku dhicin, nin xiran funaanad kubadda cagta oo ay ku qoran tahay astaanta Ajax, islamarkaana madaxa uu kaga duuban yahay astaanta Falastiin, ayaa soo dhigay muuqaal Facebook isagoo magaciisa ku sheegay Slayem Slouma, wuxuu sheegay inuu farriin u dirayo siyaasiyiinta, kuwaas oo uu ugu yeeray “xoolaha dhulka”, isagoo ku guuddiyey in gacantii taabata diinta Islaamka la goyn doono, sida uu yiri wuxuuna mar kale soo muuqday weerarka kaddib isagoo sheegay inuu u aargudey ”Muslimiinta” uu diley 3 Swedish ah.
Sida laga soo xigtey warbixinnada warbaahinta, waa da’da 40-meeyada iyadoo khubaro dhowr ahi ay lahjaddiisa ku tilmaameen Woqooyiga Afrika. Lama xirin ninkan, balse waxaa aqoonsaday booliiska iyo dacwad oogayaasha Belgium. Sirdoonka ayaa la sheegay inay u horay u yaqaanneen xag-jirnimadiisa.
Ciyaartii dhexmari lahayd Belgium vs Sweden ayaa la joojiyey jeer ay 1-1 maraysey.
Hadalsame Media