(Munich) 14 Okt 2023 – Dadka Yuhuudda ah ee ku nool magaalada Munich ee dalka Jarmanka ayaa lagula taliyey inay qariyaan calaamadaha ama shacaa’irta diintooda ama wixii u taagan Israa’iil, iyadoo laga cabsi qabo inay weerarro aargoosi ah la kulmaan dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas dartiis.
Xog la daabacay horraantii toddobaadkan, Jaaliyadda Yuhuudda ee Munich, ayaa waxay bixisay talooyin ku saabsan badbaadada xubnahooda kaddib bilowgii dagaalka ka socda Bariga Dhexe, iyagoo xitaa gaarey inay soo jeediyaan in la qariyo wax kasta oo caddaynaya diintooda Yuhuudda.
“Feejignow, isna qari, kana fogow mudaaharaadyada Falastiiniyiinta taageersan iyo soo bandhigidda caamka Israel iyo Yuhuudda,” ayuu ururku yiri, sida uu soo xigtey wargayska Jarmanka kasoo baxa ee Bild.
Mas’uuliyiinta Jarmanka ayaa si wayn u taageeray Israa’iil tan iyo markii todobaadkii hore ay weerar ku qaadeen ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ah ee maamula Marinka Gaza oo haatan lagu hayo weerar arxandarro ah oo ay ku dhinteen ilaa 2,000 oo Falastiini ah.
Hadalsame Media