(Roma) 15 Okt 2023 – Fadeexad cusub ayaa ku habsatey kubadda cagta Talyaaniga. Sida muuqata, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus, Nicola Fagioli, ayaan kali ku ahayn balse waxaa jira dhowr ciyaartooy oo kale iyo xitaa Guddoomiyeyaal kooxood oo ay dhici karto inay ku lug leeyihiin sharadkan sharci darrada ah.
Sandro Tonali iyo Nicolo Zaniolo ayaa waxaa su’aalo waydiiyey Xeer-illaaliyayaasha Talyaaniga halka laacibka kale oo AS Roma ka tirsan ee Nicola Zalewski uu yahay magacii ugu dambeeyey ee baaritaan lagu hayo inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin.
Tonali iyo Zaniolo labaduba way dafireen inay galeen wax khalad ah. Xiddiggii hore ee AC Milan oo xagaagan ku biiray Newcastle ayaa qirtay inuu khamaaray laakiin kaliya wuxuu sheegay inay ahaayeen casino-ooyin iyo blackjack. Tonali waxa uu diidey in uu sharad ku sameeyo ciyaaraha kubbada cagta taasoo si adag looga mamnuucay ciyaartooyda kubbada cagta xirfadda leh.
Xaaladdu aad ugu xun tahay Nicola Zalewski oo hal mar la sheegay inuu xitaa sharad ku galay inuu qaato kaarka jaalaha ah, kulankaasoo ayuu ciyaaryahanka khadka dhexe ee Roma uu qaatay jaallaha uu ku sharatamay.
Zaniolo ayaa isna lagu haystaa inuu ku sharatamay kulan ay kooxdiisu ciyaaraysey Coppa Italia.
Si kastaba ha ahaatee, afartan magac waa bilow uun. Waayo weriyaha arrintan baaraya ee ka tirsan warqaadka La Repubblica, Fabrizio Corona, ayaa ku warramaya in ugu yaraan toban ciyaartooy oo Serie A ah ay ku lug leeyihiin sharad sharci darro ah.
Magacyada la isla dhexmarayo waxaa ka mid ah ciyaaryahan kale AC Milan ah oo aan weli la magacaabin halka midka kalena uu ka tirsan yahay Inter Milan. Baaritaanka weriyaha ayaa la filayaa in dhowaan laga soo saaro iyadoo xog dheeraad ah oo laga helayo arrintan.
“Ugu yaraan 10 ciyaartooy oo kale oo kubbadda cagta ah ayaa ku lug leh,” ayuu u qirtay Corriere della Sera-, 5 ilaa 6 wakiil, waxaana sidoo kale jira meelo khamaarka lagu dheelo oo qarsoon. Immisa kooxood oo kubbadda cagta ah ayaa ku lug leh? Shan iyo lix, laakiin ma magacaabi karo haddii kale waa la i baari doonaa.” ayuu yiri Corona.
”Ciyaartooy kale oo qaranka ka mid ahi maku jiraan? – “Haa, sidoo kale waxaa jira Madaxwaynayaal kooxdeed…Ma garanaysaa waxa dhibku yahay? Waa in ciyaartooydani ay jirran yihiin, oo ay qabatimeen khamaarka waa balwad sida kookaynta oo kale, waxaana ka faa’iidaysta nidaamka… yaynaan xitaa ka hadlin waxa ka jira Serie B.” ayuu raaciyey Corona.
Hadalsame Media