(Hadalsame) 15 Okt 2023 – Daawo sida uu weeraryahanka AC Milan ee Christian Pulisic u muujiyey inuu ku jiro foom aan caadi ahayn isagoo u dhaliyey gool cajiib ah kulankii saaxiibtinnimo ay Maraykanku la yeesheen Germany.
Weeraryahankii ayaa dhanka bidix kasoo galay gudaha, isagoo dhexmaraya daafacyada, waxaana uu gantaal lugta midig kasoo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa.
Kuma se filnayn inuu goolkaasi ku badiyo ciyaarta, maadaama USMNT ay ugu dhamaatay 3-1 looga badiyey tijaabadan saaxiibtinnimo.
Si kastaba ha ahaatee, 25-sano jirkan ayaa dhab ahaantii xilli fiican ku qaadanaya kooxdiisa cusub ee AC Milan xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyey 4 gool, islamarkaana caawiyey hal gool 10 kulan oo uu saftay Serie A iyo Champions League.
Christian Pulisic! THAT IS INCREDIBLE 🤯
Captain America produces a stunner against Germany 😮💨pic.twitter.com/CgiLkFAKwe
— Football on TNT Sports (@footballontnt) October 14, 2023
Hadalsame Media