(Nairobi) 15 Okt 2023 – Arday iska dhigaya qarreen ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa lagu xiray Kenya kaddib markii uu ku guulaystay daraasiin dacwadood. Ninkan ayaa la sheegay in lagu ogaadey inuu khiyaano sameeyey oo uu ahaa qarreen beenaad.
Tan ugu yaabka badani waxay tahay, in kahor inta aan la xirin dhowaan, Brian Mwenda “uu ku dooday 26 kiis oo la hor keenay garsoorayaasha Maxkamadda Sare, Maxkamadda Degmada iyo Maxkamada Racfaanka,” sida lagu xarriiqay bogga baraha bulshada ee Facts East Africa, isagoo raaciyey inuu ku guulaystay dhammaan 26-kaa kiis.
Jamciyadda Qarreenada Kenya (LSK) ayaa xaqiijiyey in Mwenda uu qaatay aqoonsiga qarreen run ah ee lagu magacaabo Brian Mwenda bishii Agoosto 2022-kii, isagoo isticmaalaya tafaasiisha dhabta ah ee qarreenka uu magaciisa iskaga diiwaangeliyey Ururka LSK.
Khiyaamadiisa ayaa la ogaadey markii uu isku dayey inuu kusoo galo hab-xogeedka dhexe (database) ee LSK bishii Sebtembar isagoo wata ciwaan e-mail oo aan ahayn midkii qarreenka uu iska dhigayey, sida ay sheegeen LSK.
Mwenda waxa uu waydiistey waaxda IT-ga LSK in laga caawiyo soo gelidda, taasoo ku kalliftay waaxda inay hubiso aqoonsigiisa. Markii la ogaadey shaqaalaha IT-ga ee LSK ayaa arrintiisa ku wargeliyey booliiska, kuwaasoo bilaabay ” ugaarsi ” ka dhan ah qarreen beenaadkan.
Hadalsame Media