”Manchester iska dhaaf!” – Sheekh Jaasim oo loosoo jeediyey inuu iibsado koox wayn oo Talyaani oo uu ka dhigo tan ugu fiican adduunka (Waa tee?)

0

(Milano) 15 Okt 2023 – Ilo-wareedyo badan ayaa ku warramaya in Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani uu ka noqday dalabkiisii ahaa iibsiga Manchester United, sidaas darteed ganacsade Thomas Ziliacus ayaa ku boorriyey inay ‘cududdooda iskugu geeyaan iibsiga koox wayn oo Talyaani ah’ – gaar ahaan Inter Milan.

Bangaariyahan reer Qadar ee Sheikh Jassim ayaa waxa uu Man U ku dalbaday lacag dhan £5bn oo gini, balse markii ay burbureen wadahadalladu, wuu ka baxay dalabkaasi, haatanna kaliya Sir Jim Ratcliffe ayaa kusoo haray inuu kooxdaa ka iibsado saami aan aqlabi ahayn.

Maalmihii ugu horreeyey wadahadalka, Ziliacus waxa uu sidoo kale ka mid ahaa dadkii ka fikirayey dalabka Manchester United, laakiin waxa uu bilihii ugu dambeeyey diiradda saarayey sidii uu saami uga heli lahaa kooxda Serie A ee Inter Milan.

Waxa uu arrintan ka sheegay qoraal uu soo dhigay madasha X, oo hore loo oran jirey Twitter.

“Waxaan ku faraxsan ahay inaan arko inaad gaartey isla go’aankii aan gaarey dhowr bilood kahor. Hadda aan iskugu tagno inaan iibsanno naadi Talyaani ah oo aan ka dhigno kan ugu fiican adduunka! ”

Ziliacus wuxuu ku daray hashtagyo taxane ah, oo ay ku jiraan #SerieA iyo #Nerazzurri – isagoo taas ku xaqiijinaya inuu ula jeedo naadiga wayn ee Inter Milan.

Proud Inter see Champions League final defeat as start of a journey | Champions League | The Guardian

Hadalsame Media