(Hadalsame) 15 Okt 2023 – Meta ayaa sheegtay inay meesha ka saartay boqollaal kun oo warar “qas keenaya” ah oo la xiriira dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, marka lagu daro tillaabooyinka kale ee lagu dhimayo waxyaabaha nacaybka ah ama marin habaabinta ah ee ku jira dagalkooda, sida ay sheegeen.
Shirkadda ayaa tallaabadan ku dhawaaqday, iyada oo sheegtay inay saartay in ka badan 795,000 oo xogood oo Af-Cibraani ah iyo Carabi ah saddexdii maalmood ee la soo dhaafay oo keliya, ama wax toddobo jeer qiimaynta caadiga ah.
Qaar badan oo ka mid ah qoraallada ayaa ku xad-gudbey xeerka Meta ee ‘Siyaasadda Shakhsiyaadka’, kuwaasoo taageero ama ammaan u jeediyey Xamaas, oo weerar ay in ka badan 13,00 ku dileen ku qaaday koonfurta dhulka ay haysato Israa’iil todobaadkii hore.
“Xamaas waa laga mamnuucay aaladaheenna, waxaana ka saaraynaa ammaanta iyo taageerada la taaban karo ee kooxdan marka aan ogaanno, iyadoo aan sii wadayno oggolaanshaha doodaha bulshada iyo siyaasadda – sida warbixinnada wararka, arrimaha xuquuqda aadanaha, ama tacliinta, iyo naqdinta doodaha.” ayay tiri Meta.
Arrintan ayaa u muuqata mid ay shirkadda iska leh Facebook ku taageerayso Israel.
Hadalsame Media